Somaliland oo Hir-gelinaysa Siyaasadda Dal-ku-galka

Saturday May 03, 2025 - 12:36:08
hadhwanaagnews
wasiirku waxa uu golaha la wadaagay tallooyin iyo qorshe...



Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo horumarinta Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Fuaad Axmed Nuux, ayaa shirkii golaha wasiirrada ku soo bandhigay Hindise lagu hirgelinayo siyaasadda dal-ku-galka ku xidhan Imaanshaha (Somaliland Visa On Arrival Policy- VOA), waxa aanu faah-faahin ka bixiyey muhiimadda ay arrintani u leedahay adeegyada duulimaadyada, dalxiiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Duulistu waxa uu sharraxay wadamada ku yaalla gobolka Geeska Afrika iyo kuwa caalamka ee hirgaliyay Siyaasadda Visa On Arrival iyo sida ay u saamaysay dhaqaalahooda, dalxiiska, Hoteel-lada, gaadiidka, gaar ahaan wadamada Rwanda, Ethiopia, Kenya, Oman, Srilanka iyo Ghana iyadoo cel-celis ahaan wadamadaasi uu kobcay dhaqaalahooda dalxiiska iyo isu socodka dadku inta u dhaxaysa 20% ilaa 25%.

Fadhigii 18-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wasiirka Duulsita iyo hawada Somaliland la wadaagay warbixintan ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay qodobo muhiim u ah dalka, kaasi oo ay soo bandhigeen xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland waxaa ka mid ahaa qodobadaasi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka kobcinta dakhliga Qaranka.

wasiirku waxa uu golaha la wadaagay tallooyin iyo qorshe wax ku ool ah oo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka oo ay soo diyaariyeen guddi farsamo iyo Aqoonyahanno ay wasaaradaha ka soo xuleen guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirrada.

Guddida farsamadu waxa ay si gaar ah hoosta uga xarriiqeen in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis iyo dib-u-habaynba lagu sameeyo Siyaasadda iyo Xeerarka saldhigga u noqon kara Kobcinta dhaqaalaha dalka muddo xileedka xukuumadda wadajir iyo waxqabad.

Intaa kadib, xubnaha golaha wasiirrada waxa ay dood dheer ka yeesheen qaabka iyo istiraatijiyada ugu habboon ee lagu awoodayn karo kobcinta dhaqaalaha Qaranka JSL.

Warbixin ay soo jeediyeen guddiga arrimaha bulshada oo la xidhiidha xaaladda Abaaraha dalka ka jira iyo saamaynta xun ee ay ku yeelatay nolosha Dadka, Xoolaha, Beeraha iyo Degaanka: wasiiradda arrimaha bulshada, waxbarashada, Biyaha iyo wasiir-ku-xigeenka Beeraha ayaa si mug leh uga warbixiyey saamaynta ay abaaruhu inagu yeesheen. Sidoo kale Wasiiradu waxa ay Golaha u soo jeediyeen in loo baahan yahay gurmad abaabulan iyo Qorshe Qaran oo abaaraha soo noqnoqday wax lagaga qabanayo.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ee muddo ka badan 80 cisho Gobollada Bariga ugu maqnaa Nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ayaa si miisaaman uga warbixiyey qaabka iyo hannaanka ay hawlahaasi u waajaheen, caqabadaha ka hor yimid, sida ay u xalliyeen iyo sida ay ku soo af-meereen Guushaa Taariikhiga ah ee ay u soo hooyeen Qaranka JSL.

     
Loading...