Hal dhagax 2 Shimbir ku dil!

Friday April 11, 2025 - 13:50:09
hadhwanaagnews
Waxaad buugaani ka heleeysaa:-



Barashada Sayniska iyo waliba lafo-guridka isirka isma diidadayaan.

Kolkaan ku yara daallo cilmi baarista, waxaan qac ka siiyaa 3 ilaa 5 bog oo ka mid ah buuga Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu inoo hibeeyey Prof. Cabdalla Cumar Mansuur.

Dhab ahaantii, intii aan daraasaynaayey kulliyadeeyda labaad ee Juquraafiga iyo Taariikhda, marnaba ma arag buug dhacdooyin, Af umadi leedahay, iyo waliba Sooyaal isku xirayo sida uu Prof. Cabdalla buugiisaan isugu xiraayo.

Qof waliba oo u dhago-duleelaa weeleeynta cilmiga maadiga iyo waliba midka diiniga ah, waxaan cod dheer ugu sheegayaa inuu maktabadiisa ku darsaday wax-soo-saarka Prof. Cabdalla Cumar Mansuur gaar ahaan buugiisa sawirka hoose ka muuqdaa (F.1aad).

Waxaad buugaani ka heleeysaa:-

1-Asalka Soomaalida iyo doodaha ka taagan

2-Hiddo-afeedka Soomaalida

3-Qabiiladii Soomaalida ahaa ee lumay sida Rendile, iyo Gabra.

4-Xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaalida iyo waliba Xadaaradihii hore sida xadaaradii Mesopotamia, fiiniqiyiinta, Masaaridii hore, Areebiya, iyo Abissinia.

5-Islaamka hore yaa daganaay Soomaaliya? Diintee ayeeyna Soomaalidu heesteen? Sidee diinta islaamka kusoo gaartay ardaagaan Iyo waliba dariiqooyinkii ugu horeeyey ee dalka ka dilaacay?

6-Axmed gureey iyo waliba dagaaladii uu la galay xabashida.

7-Waxyaabaha mideeyey bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale buugu waxa daaha ka rogayaa qodobo kale oo tira-beel ah, se anfacaya qof waliba oo hammuun u qabo inuu ka biyo wabiga macaan ee Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Sawirka labaad iyo waliba kan sadaxaadna waa anigoo baaraayo Xiriirka ka dhaxeeyo bacteria halis ku ah digirta, Bacteria faa’idu u leh dhirta iyadoona ka hortago isla bacteriyada halista badan "Bacillus–Xanthomonas–Bean Interaction under In Vivo and In Vitro Conditions”.

Caawiye Ciiltire Cali

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...