Doorashada Somaliland 3da Nov 2024 Ee La Magac Baxday Laflaw Waa Dhagax Maxaa Keennay.

Friday October 11, 2024 - 09:14:04
hadhwanaagtv
Seddex Arimood Oo Kale Oo Dhacdooyin Hargeysa Waqtiyo Kale Duwan




Ummadkastaa Taariikhda Bulsheedeeda Way Weelaysaa, Xaaladaha Bulshooyinku Way Soo Laalaabtaan Isuna Eekaadaan. Cinwaanka Ereyada Ku Qoran Ee Ah Laflaw Waa Dhagax Waxay Ku Soo Baxday Nolol Adag Oo Soo Waajahday Bulshada Danyarta Ah Qaarkood Xilliyadii Dagaalkii Labaad Iyo Dabadiisii Somaliland. Dadka Miyiga Ka Yimmadda Ee Duruufi Keento Magaalooyinka Somaliland Ayaa Markay Quutal Daruuriga Waayaan Waxay Qaar Tegijireen Meesha Geela Lagu Qalo Oo Lafaha Dhuuxa Leh Kasoo Urursan Jireen ,Qaar Kalana Dhagxaan Bay Sidan Jireen Oo Kuwa Lafaha Sita Bay Suuqa Ka Daydayi Jireen Oo Waxay Ku Qaylinjireen Laflaw Waa Dhagax , Markaasaa Laftii Dhagaxii Lagu Kala Jebin Jiray Oo Dhuuxaa La Iibgayn Jiray , Suminiyada Laga Siisto Ayey Dooranlebenlayaasha In Bariisa Iyo Maraq U Goyn Jirtay. Muse Biixii Noloshii Reer Somaliland Halkaasuu Dib Ugu Celiyey Weliba Colaado Iyo Cadawyo U Dheer Yihiin Maanta. Doorashada Somaliland Waxay Kusoo Beegantay Waqtigaa Adag Oo U Baahan In Muse Biixi Xumaantiisa Iyo Waalidiisa La Bedelo.

 

Seddex Arimood Oo Kale Oo Dhacdooyin Hargeysa Waqtiyo Kale Duwan Ayuu Ku Sifoobaymuse Biixi.

 

Marka Koobaad Berigii Dagaalkii Labaad In Yar Ka Dib Ayaa Dumar Muse Biixi U Habarooyin Ahaa Ka Soo Safreen Awaare Oo Hargeysa U Soo Safreen. Berigaa Dooxan Maroodi-Jeex Ee Hargeysa Wuxuu Ahaan Jiray (Enterprise Place) Wax Lagu Kala Iibsado. Markaa Dumarkii Intay Ka Qaateen Waxay Magaalada U Iib Keeneen Ayey Awrtii Iyo Haamo Madhan Dooxii Kaga Tegeen, Berigaa Tuugtii Magaalooyinku Weli May Dhalan Oo Wax La Xadaa Ma Jirijirin. Waraabe Ayaa Saqdii Dhexe U Yimi Awrtii Iyo Haamihii , Haamii Mid Xaydh Ka Uriyey Gudaheeda Wuu Soo Leefleefay , Amarka Ilaahay Markuu Is Yidhi Haanta Madaxa Kala Bax Ayuu Madaxii Kala Bixi Kari Waayey , Habeenkii Oo Dhan Haantii Iyo Madaxii Buu Dhulka La Dhacaayey Sidii Buu Waagii Ugu Beryey Oo Dadkii Ku Soo Urureen , Xagguu Sanqadh Ka Maqlaba Wuu Jidhaa, Suuqii Hargeysa Maqaaxiyihii, Dukaanadii Dadkii Meel Walba Wuu Jiidhay Waqti Duhura Oo Gaaladii Timi Baa La Dilay Oo Haantii Laga Jeexjeexay. Imika Xaaladda Muse Biixi Waa La Midyey Waraabahaa Haanta Madaxa La Galay Mar Xildhaan Buu Xidhayaa, Inan Yar Oon Qaan Gaadhin Oon Dembi Lahaynbuu Xidhayaa , Mar Fannaaniin Aan Dembi Lahayn Buu Eryanayaa Oo Garaacayaa Dumar. Waa Waraabahaa Haanta Madaxa La Galay.

 

Reer Somaliland Wixii Fikirayaa Way Garanayaan Haddii Muse Uu Madaxtooyada Sii Fadhiyo 5 Sano Oo Kale Waxa Uu Samayndoono Oo Ficiladiisa Sannadkan Uu Sii Sheefay:

1- Dagaalka Sool Iyo Sannaag Wuu Sii Lsva Jibaadgayaa Waayo Sool Wuxuu Ka Yidhi Dagaalbaan Idinka Dherginayaa. Dagaalkii Ceerigaabo Ka Dhacay Wuu Ku Farxay Oo Xukuumaddiisu Wuu U Diiday Inay Tagto Iyo Inay Ka Hashoba, Ceerigaabo Wuu Ka Ridi Dagaal Waa La Hubaa Taana.

 

2 Xabashida Wuu Ku Soo Xarayn Awdal Taana Waa La Hubaa.

 

3- Jabouti Iyo Somaliland Wuu Kala Goynayaa Oo Dhul Xabashi Uu Ka Iibsaday Baa U Dhaxaybaya.

 

4- Lixda Markab Ee Dagaalka Ee Xabashidu Gasiiradda Sacaada Diin Bay Fadhiisan Oo Qabsan.

Dhibaatooyin Badan Baa Muse Biixi Sii Fadhigiisu Somaliland Iyo Gobolkaba Uu U Geysan. Kuwa Dhuuni Qaatayaasha Ahi Waxay Odhan Sidan Maannaan Moodayn.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Qoraa M Bashe.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...