Ra'iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha.

Sunday October 13, 2024 - 16:36:46
Hadhwanaag
Ra'isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha...
Kan være et bilde av ‎8 personer, podium og ‎tekst som sier '‎JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA الفيدرالية مال الصو الصومال ية جمنهو WASAARADDA DHALINYARADA & CAYAARAHA والرياضة الشباب وزارة FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MINISTRY OF YOUTH& SPORTS Dhagax Dhig: uul vulada ada ib U Dh ayaaT ormari Da DaaE LE er Blue Light Service Co n e light vice‎'‎‎


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.

Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka, ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiirigelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan ee cayaaraha.
Kan være et bilde av 8 personer, podium og tekst
Kan være et bilde av 9 personer, podium og tekst
Kan være et bilde av 8 personer, folk som spiller fotball og tekst
Kan være et bilde av 7 personer og bryllup
Kan være et bilde av 7 personer

     
Loading...