Abiy Ahmed oo la taliye u magacaabay Getachew Reda

Friday April 11, 2025 - 13:19:00
hadhwanaagnews
Getachew Reda ayaa hore u ahaa madaxweynaha maamulka



Getachew Reda, oo laba sano madax ka ahaa Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Gobolka Tigray ayaa maanta loo magacaabay la taliyaha raysalwasaaraha sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

 

Getachew Reda ayaa hore u ahaa madaxweynaha maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Tigray ka hor intii aan lag beddelin Leitenant General Tadesse Worede, oo hadda ah Madaxweynaha cusub ee maamulka gobolkaasi.

 

Waraysi uu siiyay BBC-da maalmo ka hor waxa kaga hadlay qorshayaashiisa mustaqbalka. Mar la weyddiiyay su’aal ku saabsan waxa uu qaban doono mustaqbalka, wuxuu ku jawaabay: "Meel kasta oo aan joogo, waxaan sii wadi doonaa ka shaqaynta siyaasadda Tigray.”

     
Loading...