Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe oo u baxay Nairobi, Kenya

Sunday May 18, 2025 - 12:30:23
hadhwanaagnews
Dhinaca kale, Villa Somalia ayaa culeys dhanka socdaalka


Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa saaka safar ugu baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo uu dhowr toddobaad ka hor kasoo laabtay.

Dhinaca kale, Villa Somalia ayaa culeys dhanka socdaalka ah kusoo rogtay shacabka Jubaland, iyadoo ujeedadu tahay in Madaxweyne Axmed Madoobe laga hor istaago inuu ka baxo magaalada Kismaayo. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu wuxuu muujiyay go’aan adag, isagoo ku dhaqmaya xorriyadiisa, kana baxaya dalka xilliga uu isagu go’aansado.

Safarka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo wada-shaqeynta gobollada iyo dalalka deriska ah.
     
Loading...