hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay door ka qaadato xoojinta nabadda iyo joojinta colaadaha caalamka, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay tahay dal leh masuuliyad iyo doorkeeda caalami ah.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland ay tahay dal la aqoonsan yahay (sida uu sheegay), isla markaana ay doonayso inay qayb firfircoon ka noqoto dadaallada lagu nabadaynayo dunida.
"Somaliland maanta waa dal la aqoonsan yahay, waxay diyaar u tahay inay nabadda caalamka iyo joojinta colaadaha ka qayb qaadato," ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa cadeeyay in Somaliland ay saaxiib la tahay dhammaan dalalka dunida, gaar ahaan kuwa ay deriska yihiin, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo wada noolaanshaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
"Waxaan u sheegayaa dalalka dunida in Somaliland dhammaan dunida saaxiib la tahay, gaar ahaan kuwa jaarka la tahay," ayuu raaciyay.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa muujinaya jihada diblomaasiyadeed ee Somaliland ee ku wajahan nabad, iskaashi iyo xiriir wanaagsan oo caalami ah, iyadoo la xoojinayo doorka ay ka qaadan karto arrimaha caalamka.