Xoghayaha Dawladda hoose ee degmada Burco Xarunta gobolka Togdheer,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegayay in ammaan darro ka jirto magaalada Burco taas oo ay sababeen iskudhac ka yimid shirkadaha laydhka Waxaanu intaa ku daray in ammaanka guud ee degnada Burco uu yahay mid aad u wanaagsan wax dhibaato ah oo imika oo shirkadaha laydhka Burco ka dhex taaganina aanay jirin.
waxaanu sheegay in wararka la leeyay nabad gelyo darro ayaa Burco ka jirta oo shirladaha laydhkaa sabab u ah in uu yahay wax aanay waxba ka jirin isagoo intaa raaciyay in dalku shuruuc leeyahay isla markaana shirkadihii hore iyo kuwa cusub ba looga baahan yahay in ay u hoggaan samaan shuruucda dalka. Waxaanu intaa ku daray in ammaanka guud ee degnada Barco uu yahay mid aad u wanaagsan wax dhibaato ah oo imika shirkada laydhka Burco ka dhex taaganina aanay jirin.
Geesta kale xohayaha Dawlada hoose ee degmada Burco oo waraysi gaara siiyey wargayska Dawan waxa uu intaasi ku daray maruu ka hadlayey tartankii ciyaaraha ee ay hore ugu dhawaaqday Dawlada hoose Burco ayaa waxa uu sheegay xoghayuhu in ay dhamaadka bishan qabanayaan tartankaas oo ay iskugu imaan doonaan dhamaan gobolada dalku loogana danleeyahay in lagu horumariyo ciyaaraha iskana kaashanayaan Wasaaradda ciyaaraha iyo Dawlada hoose ee Burco.