Maxay tahay sababta rakaabka diyaaradaha looga mamnuucay qalabka dabka keydiya?

Monday March 24, 2025 - 06:00:48
hadhwanaagnews
Wasaarada gaadiidka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay 14-kii bishan Marso



Waxa dhaliyay dabka ka kacay diyaarada laga lahaa Kuuriyada Koonfureed ee Airbus A32 ayaa la ogaaday. Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in qalabka dabka lagu kediyo ee dib loogu buuxiyo mobilada uu ahaa sababta dhalisay dabka.

 

Shirkadda diyaarada ee Air Busan diyaaradeeda waxa uu dabka ka kacay iyadoo joogto garoonka diyaaradaha magaalada Gimhae ee Kuuriyada Koonfureed 28-kii Janaayo ee sanadkan. Dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray saddex qof oo ka mid ahaa rakaabka diyaarada.

 

Wasaarada gaadiidka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay 14-kii bishan Marso in baaris lagu ogaaday waxa sababay dabka. Baarista ayaa lagu sheegay in qalabka dabka lagu keydiyo cilad ka timid uu sababay in diyaarada dab qabsado.

 

Dab-keydiyaha ayaa saarnaa halka boorsooyinka la saarto ee ka sareysa kuraasta rakaabka. Halkaas ayuuna dabka ka kacay.

 

Baarayaasha waxay sheegeen in aalada lagu arkay astaamaha dabka balse ma cada sababta keentay ciladaas.

 

Baarista ayaa ah mid horu dhac ah balse xogta ugu dambeysa ee baarista ee ku saabsan diyaarada weli lama shaacin.

 

Laga soo bilaabo 2016-kii mamnuuc ayuu ahaa

Diyaaradaha adduuka oo dhan waxay mamnuuceen in qalabka keydiya dabka lala raaco diyaarada. Arrintan oo muddo sanado ah soo socotay ayaa lala xiriirinayaa sababo ammaan.

 

Qalabka keydiya dabka waxaa ku jira bateriyo Litiyuum ah. Batariyadaas waxay awood u leeyihiin in ay abuuraan kuleyl badan, waxayna sababi kraan dhibaato koronto hadii ay cilad ku timaado.

 

Sida lagu sheegay talo ay soo saartay hay'adda caalamiga ee duulista rayidka, ilaa iyo 2016-kii rakaabka diyaaradaha waxaa laga mamnuucay in diyaarada gudaheeda ay la fuulaan batariyada laga sameeyay Litiyuumka.

 

Kaddib dabkii ka kacay diyaaradaha Kuuriyada Koonfureed ee Airbus-ka aheyd, shirkadda Air Busan waxay qaaday tallaabooyin adag. Waxay ku dhawaaqday in rakaabka aan marna loo ogolaan doonin in ay boorsooyinkooda gudaha ay la galayaan ku qaataan qalabka dabka kediyo.

 

Shirkadu waxay sheegtay in tallaabadan ay qaateen kaddib markii ay kordheen dhacdooyinka la xiriira qalabka dabka keydiyo ee kululaanaya.

Dhinaca kale, shirkadaha diyaaradaha ee Shiinaha iyo Thailand ayaa sidoo kale hirgelinaya tallaabooyin kuwan oo kale ah.

 

Shirkadda diyaaradaha Scoot ee qiimaha jaban lagu raaco lagana leeyahay dalka Singapore ayaa ka mamnuuci doonta duulimaadyada isticmalka iyo buuxinta qalabka dabka keydiya laga bilaabo kowda bisha soo socota ee April.

 

28-kii bishii Febraayo ayey dowladda Kuuriyada Koonfureed ku dhawaaqday in rakaabka duulimaadyada gudaha ay batariyadooda iyo qalabka dabka lagu keydiyo gacmaha ku qaataan halkii ay ka dhigi lahaayeen meelaha boorsooyinka la dhigto ee kuraasta ka koreysa.

 

Hore waxaa u jiray dhacdooyin la xiriira dab ka kacay batariyada Litiyuumka. Bishii Maarso ee sanadkii 2017-diyaarad ka timid Melbourne kuna socotay Beijingi waxaa qarxay sameecadaha dhaga la gashto. Haweeney ayaa wadatay samacadahaasi.

 

Arrintan waxay keentay in haweeneyda ay ka dhaawacanto wajiga. Haweeneyda ayaa ku soo toostay kaddib markii sameecadaha ay ku qarxeen. Kaddib degdeg ayey isaga bixisay iyadoo dhulka ku tuurtay.

 

Dhacdadaas kaddib, waxaa la ogaaday in sababtu aheyd cilad ku timid batirga Litiyuumka ee sameecadaha ku xirnaa.

 

Mar sii horeysay waxaa dhacday in duulimaad ka yimid Sydney degdeg loo dajiyo kadidb markii la arkay qiiq ka imaanaya qeybta xamuulka lagu keydiyo ee diyaarada. Waxaa la ogaaday mar dambe in bateri Litiyuumka oo ku jiray qeybta xamuulka uu dab qabsaday.

 

Ururka adeegga deegaanka ee Britain ayaa sanadkii 2022-kii ku sheegay warbixin ay soo saareen in dhacdooyin dab oo ka badan 700 ay sanad kasta ka qarxaan meelaha qashinka lagu shubo. In badan oo ka mid ah dabkaas waxaa keenay batariyadaas ka sameysan Litiyuumka oo qashinka ku jiray.

 

Bateriyada Litiyuumka way qarxayaan hadii waxyeelo soo gaarto. Bateriyada Litiyuumka waxay ku jiraan qalabka dabka kediyo, cadyga korontada ku shaqeeya, taleefoonada iyo laabtoobyada.

BBC/SOMALI
     
Loading...