Rwanda oo xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jartay Belgium

Wednesday March 19, 2025 - 12:11:58
hadhwanaagnews
"Dowladda Rwanda ayaa shalay ku wargelisay dowladda Belgium



Rwanda ayaa sheegtay in ay jartay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Belgium isla markaana ay ku amartay dhamaan dublamaasiyiinta wadamada Yurub inay kaga baxaan dalkeeda muddo 48 saacadood gudahood ah, taas oo ay Belgiumna jawaab degdeg ah ka bixisay.

 

Bayaan ay soo saartay Isniintii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Rwanda ayaa ku eedeysay Belgium inay "si joogto ah” u wiiqayeen Kigali "intii lagu jiray iskahorimaadka ka socday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo” (DRC).

 

"Dowladda Rwanda ayaa shalay ku wargelisay dowladda Belgium go’aanka ay ugu jartay xidhiidhka diblumaasiyadeed, si degdeg ah,” ayay raacisay.

 

Dhanka kale, Belgium waxay sheegtay in dublamaasiyiinta Rwanda aan hadda lagu soo dhawaynayn dalka.

 

"Belgium waxay ka xuntahay go’aanka Rwanda ay ku jartay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Belgium iyo inay ku dhawaaqdo in dublamaasiyiinta Belgium ay yihiin kuwo aan laga rabin Rwanda,” Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxime Prevot ayaa ku yidhi X.

 

"Tani waa isku dheelitirnaan waxayna muujineysaa in marka aanu is qabano aanay Rwanda ay door bidayn in aan wada hadal galo.”

 

Talaabada Rwanda ayaa timid maalin kadib markii madaxweyne Paul Kagame uu ku eedeeyay Belgium inay u ololeyneyso cunaqabateynta caalamiga ah ee ka dhanka ah dalkiisa colaadda arrinta Bariga DRC awgeed.

 

Kooxda hubaysan ee M23 ee ay Ruwanda taageerto ayaa horaantii sanadkan weerar balaadhan ku qaaday bariga DRC ee qaniga ku ah macdanta, iyaga oo qabsaday laba magaalo oo waaweyn horena u sii socday.

 

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in kooxdan oo Kigali hubayso, ay ku sugan yihiin ilaa 4,000 oo askari. Kigali ayaa beenisay inay ku lug leedahay colaada, waxayna sheegtay inay soo food saartay khatar kaga imanaysa dagaalyahanada Xuuthiyiinta ee DRC.

 

Dowladda Congo ayaa sheegtay in ugu yaraan 7,000 oo qof ay ku dhinteen weerarka, waxayna ku baaqday tallaabo caalami ah.

 

Xiisada diblomaasiyadeed ee Isniintii ayaa soo shaacbaxday iyada oo DRC iyo fallaagada M23 ay ku dhawaaqeen inay wufuud u diri doonaan wadahadallo nabadeed, kaasoo lagu wado inuu ka dhaco Angola.

     
Loading...