S/land Iyo Taiwan oo ku kulmay Belgium

Wednesday June 18, 2025 - 21:35:38
hadhwanaagnews
Safiirka waxaan warbixin ka siiyay guud ahaan Arrimaha
May be an image of 2 people and newsroom


Safiirka Somaliland u fadhiya Midawga Yurub Amb. Kaysar Maxamed, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeedhay Safiirka dawladda Taiwan u fadhiya wadanka Belgium Ambassador Roy Chun Lee
Safiirka Somaliland ee wadanka Midawga Yurub Amb. Kaysar Maxamed oo bartiisa Facebook kaga hadlay ujeedka kulankooda iyo waxyaabahii ay ka wada hadleen, ayaa wuxu yidhi:

Safiirka waxaan warbixin ka siiyay guud ahaan Arrimaha kala duwan ee Nabadgelyada, Ganacsiga, Maalgashiga, Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada Somaliland, waxa kale oo aan uga warbixiyay xaaladaha guud ee ka jirta mandiqada Geeska Afrika, waxa kale oo Safiirka aan uga mahad celiyay kaalmada kala duwan ee ay Taiwan ugu deeqdo Jamhuuriyada Somaliland oo aan ka codsaday inay kor u qaadaan, gacan weyna ay ka geystaan Horumarka ka socda Jamhuuriyada Somaliland.

Ambassador Roy ayaa dhinaciisa warbixin iga siiyay Xaalada guud ee dalkiisa iyo inay door muhiim ah ka qaadan doonaan sidii uu Dalka Somaliland u horumari lahaa una gaadhi lahaa yoolkiisa.Safiirka waxaanu ku ballanay inaanu si buuxda isu kaashano una wada shaqayno si joogto ah.
     
Loading...