Maayerka Magaalada Baligubadle Maxamed Cabdi Muxumed Shiine ayaa ka hadlay kormeer uu ku soo maray Deegaanka Baybayga oo cabasho uga timid dadka ku dhaqan in wadooyin la jaray beero cusub laga sameeyay.
Maxamed Cabdi Muxumed oo Shalay Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa
ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan hadii lagu banayn waayo muddo toddoba cisho gudahood waddooyin la jaray iyo beero cusub oo laga sameeyay deegaanka Baybayga,isla,markaana laga soo gudbay xadkii ay samaysay Wasaarada deegaanku
Maxamed Cabdi Muxumed oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Maanta shalay waxa aanu gaadhnay deegaanka Baybayga taas oo ay nagaga timid cabasho dadka ka cabanayaan.beero cusub oo la sameeyay iyo wadooyin la jaray,waxa aanu indhahayaga ku soo aragnay Wadooyinkii oo la jaray iyo beero cusub oo la sameeyay.waxa safarka nagu wahelinayay isku duwaha Wasaarada deegaanka iyo isku duwaha beeraha. bulshada beebayga waxa aanu u sheegaynaa in xoolo dhaqata daaqa u ilaaliyaan.,xadkii ay samaysayWasaarada deegaanka waalaga soo gudbay,waxa aanu u qabanaynaa in muddo toddoba cisho gudahood wadadii xooluhu marayeen ku baneeyaan.wadooyinka ay jareena baneeyaan,haday ku banayn waayaan waxa aanu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo iskugu jirta xadhig iyo ganaax.meesha kaliya ee la wada leeyahay waa banka hadii aan banka la ilaashan xoolo idiin dhaqmi maayaan,”.