186 qof oo la la'yahay kadib 4 doon oo ku degay badda Jabuuti iyo Yemen

Saturday March 08, 2025 - 08:03:03
hadhwanaagnews
Isla habeenkaas, laba doon oo kale ayaa ku qalibmay biyaha Jabuuti.



Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, halka 186 kale la la’yahay, kadib markii afar doon oo siday tahriibayaal ka soo baxay Afrika ay ku qalibmeen biyaha u dhow Yemen iyo Jabuuti habeenimadii Khamiista, sida ay Jimcaha shaacisay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM).

 

Afhayeenka IOM, Tamim Eleian, ayaa u sheegay Associated Press in laba ka mid ah doonyaha ay ku qalibmeen biyaha Yemen, halkaas oo laba ka mid ah shaqaalaha doonyaha la badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah ay weli la la’yihiin.

 

Isla habeenkaas, laba doon oo kale ayaa ku qalibmay biyaha Jabuuti. Meydadka laba tahriibayaal ah ayaa la helay, halka dhammaan rakaabkii kale la badbaadiyay, sida uu sheegay Eleian.

 

Sida uu warbaahinta u sheegay Abdusattor Esoev, madaxa xafiiska IOM ee Yemen, dabaylo xooggan ayaa sababay in labada doon ee ku qalibmay xeebaha Jabuuti ay rogmadaan markii ay safarkooda badda billaabayeen.

 

Doonida saddexaad, oo ku qalibantay meel u dhow degmada Dhubab ee gobolka Taiz, koonfur-galbeed Yemen, waxay sidday 31 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo saddex shaqaale Yemeni ah.

 

Doonida afraad, oo ku qalibantay isla aaggaas, waxay ku socotay degmada Ahwar ee gobolka Abyan, iyadoo sidday 150 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo afar shaqaale Yemeni ah.

 

Yemen waa marin muhiim ah oo ay tahriibayaal ka socda Bariga Afrika iyo Geeska Afrika u maraan si ay shaqo uga helaan dalalka Khaliijka, iyadoo sannad kasta ay boqolaal kun ku safraan waddadan halista ah.

 

Tahriibayaashu waxay badanaa la safraan magafayaal adeegsada doonyo buux dhaafay oo badda mariya, iyagoo ka tallaabaya Badda Cas ama Gacanka Cadan.

 

Sida lagu sheegay warbixin ay IOM soo saartay bishan, tirada dadka tahriibayaal ah ee gaaray Yemen waxay kor u dhaaftay 97,200 sanadkii 2023—saddex laab tiradii 2021.

 

Sannadkii hore, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday wax ka yar 61,000, taasoo la rumeysan yahay inay sabab u tahay kormeer dheeraad ah oo lagu sameeyay biyaha.

 

Tobankii sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 2,082 tahriibayaal ah ayaa ku lumay marinkan, kuwaas oo 693 ka mid ah la xaqiijiyay inay badda ku dhinteen, sida laga soo xigtay IOM. Qiyaastii 380,000 tahriibayaal ah ayaa haatan ku sugan gudaha Yemen.

VOA/SOMALI

     
Loading...