Hay'adda Sirdoonka Qaranka oo uga Digtay Bulshada Faafinta Wararka Been-abuurka ah

Thursday April 17, 2025 - 12:33:20
hadhwanaagnews
Haay'adda Sirdoonka Qaranka iyo Dhamaan...



Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa uugu baaqday bulshada inay ka fogaadaan faafinta wararka been-abuurka ah ee ka dhanka ah hay’adda sirdoonka Qaranka iyo hay’addaha amaanka.

 

Qoraal saxaafadeed ka soo baxay hay’adda Sirdoonka shalay ayaa diginin kama dambays ah loogu diray bushada, isla markaana lagu wargeliyey in qof kastoo lagu helo falkaa sharciga loo gudbin doono. Waxaanu u dhignaa sidan;

 

Waxa bilihi ugu danbeeyay soo badanaya dadka cadaado ka dhigtay inay baraha Bulshada ku faafiyaan Warar iyo dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn, ka dhan ah Haay’adda Sirdoonka Qaranka kuwaas oo shacabka Jamuuriyada somaliland ku marin habaabinaaya hadalo xaqiiqada ka fog oo lagu Khalkhal galinaayo Amniga Qaranka, shakina lagu kala dhex dhigayo Haay’ada Sirdoonka Qaranka iyo shacbiweynaha Jamuuriyada Somaliland.

 

Haay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Dhamaan Hay’adaha Amniga shaqada ku leh ayaa u aqoonsan doona dadka baraha Bulshada ku faafinaya wararka been-abuurka ah dad u shaqaynaya cadawga Jamuuriyada Somaliland.

 

Qoraalka Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo diginin loogu diray bulshada ayaa lagu yidhi, "Waxa aan halkan digniin kama danbaysa ah looga diraya dadka ku jira hawlahaas kor ku xusan, Waxa kale oo Shacabka lagula talinaya inay ka fogaadaan faafinta Wararka been abuurka ah ee liddiga ku Ilay’adda Sirdoonka Qaranka iyo hay ‘addaha kale ee amaanka. qofkii lagu helana laga qaadi doono talaabo sharciga lagu horgeyn doono.”

     
Loading...