Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda.
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis gaaray, waxaana weli socda wadahadallo, kadib heshiis ay la galeen Somaliland sannad ka hor kaas oo ruxay geeska Afrika.
Wareeg kale oo wahadallo ayaa la filayaa, mas'uul dhanka Soomaalida ah ayaa dhawaan sidaasi u sheegay warbaahinta. Saraakiisha Itoobiya ayaan ka hadlin arrintan.
Masar oo doonaysa inay xoojiso awooddeeda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor timid qorshahan.
Tani waxay ka hor imanaysaa waxa ay Itoobiya sheegto ama waxa ay Itoobiya rabto.
Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Itoobiya?
Todobaadki hore madaxweynaha Eritrea Isayas Afwerki ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr Badri Abdellati oo ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Masar ee Ahram Online, mas'uulka Masaarida ah ayaa sidoo kale fariin uu ka siday madaxweyne Abdal-Fattah al-Sisi u gudbiyay madaxweyne Isaias Afwerki.
Intii ay socdeen qalalaasaha u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya waxay samaysteen isbahaysi wadajir ah.
Itoobiya ayaa tan iyo heshiiskii Turkiga waxa ay sii xoojisay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.
Toddobaadkii hore, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay heshiiska gaareen u socdaalay Muqdisho, wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkasta oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa haddana waxaa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo arimo kala duwan.
Waxaa la isku afgartay in ciidamada Itoobiya ay sidoo kale ku sii sugnaadaan Soomaaliya iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo sidoo kale heshiis labo geesood ah, in kastoo aan la shaacin tirada.
In kastoo Itoobiya ay xallineysay xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa in xiriirka ay la leedahay Eritrea uu sii wiiqmayo.
Taa bedelkeeda, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in labada dal ay isku dhici karaan duruufaha jira aawgood.
Mid ka mid ah qodobada laga yaabo in ay sababeen colaada waxa ka mid ah arrinta badda.
Si kastaba ha ahaatee, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay in Itoobiya 'aysan doonayn in ay waddanna la dagaallanto haddii aan iyada la taaban.
Field Marshal Birhanu Juula oo ah taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda 129 aad ee Adwa.
"Waqti yar ayaa naga xiga in aan ka mid noqono bulshada Badda Cas. Waxa aan rajeyneynaa in danta qarankeena lagu gaaro si nabad ah," ayuu yiri.
Soomaaliya maxay ka tiri?
Heshiis ay Itoobiya sanad ka hor la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland ayaa khilaaf xooggan ka abuuray Geeska Afrika.
Tan iyo markii ay Itoobiya iyo Soomaaliya heshiis gaareen, arrinta badda ayaan aad loo maqlin.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in aysan ka hari doonin raadinta badda.
"Itoobiya kama aysan tegin raadinta iyo dalabka marin badeed," ayuu yiri Nabiyat Getachew.
"Dadaalka lagu doonayo in lagu helo saldhig badeed la isku halayn karo oo waara waxay ku salaysan yihiin hab diblomaasiyadeed iyo hab nabadeed iyo sidoo kale wax- kala beddelasho," ayaa laga soo weriyay dhawaan.
"Waxa aan ku heshiinay inaan ka wada shaqeyno mashaariic istiraatijiyadeed oo dadka Itoobiya iyo Soomaaliya si isku mid ah uga faa'iideysanayaan," ayuu yiri.
Inkastoo saraakiisha Itoobiya aysan si cad u sheegin, haddana arrinta ku saabsan badda ayaa ah mid ay madaxda Soomaalida kala hadli karaan.
Qoddobada ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen wadahadalladii ay Turkigu garwadeenka ka ahaayeen ayaa waxaa ka mid ah.
"Labada dal waxay aqoonsan yihiin faa'iidooyinka kala duwan ee ay leedahay helitaanka Itoobiya ee deked lagu kalsoonaan karo taas oo waafaqsan in la ixtiraamo midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya."
Itoobiya oo ah dal ay dad badan ku nool yihiin oo aan lahayn dekad ayaa haddana waxa ay isticmaasha in ka badan 90% dekedaha Djibouti.
In Jabuuti oo kaliya xoogga la saaro ma aha wax lagu qanci karo.
Taas beddelkeeda, wuxuu sheegay in arrinta heerka badda ay tahay 'arrin nolol iyo geeri ah.
Masar ayaa ka mid ah dalalka aan ku faraxsanayn qorshaha Itoobiya.
Waxay sharaxday in kaliya qadiyadda amniga ee Badda Cas ay kaliya ka hadli karaan kuwa xudduuda la leh biyaha Badda Cas.
Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay Itoobiya siiso adeeg dekedeed ee xeebaha badweynta Hindiya, Bloomberg ayaa sdiaasi sheegay, isagoo soo xiganayey sarkaal.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa wada-hadallada, isla markaana heshiis loo gaari lahaa bisha Oktoobar.
"Heshiisku wuxuu qeexayaa dekadda la bixinayo, goobta ay kaga taal Badweynta Hindiya iyo dhammaan kharashyada," ayuu yiri sarkaalku.
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu booqasho ku yimid Muqdisho todobaadkii hore oo uu wadahadalo la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya .
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya.
Maxay taasi Itoobiya uga dhigan tahay?
Markii Itoobiya ay heshiiska la gashay Somaliland, arrinta ugu weyn ee ay ku heshiiyeen ayaa ahayd in la dhiso deked ku teedsan badda cas iyo sidoo kale saldhig ciidamada badda.
Inkasta oo nuxurka heshiisku aan si rasmi ah loo soo bandhigin, haddana Itoobiya ayaa heli lahayd bad dhan 20km.
Taas beddelkeeda waxaa la sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland.
Waxa ay ahayd in lagu fuliyo bil gudaheed balse wali lama hirgelin.
Madaxweynahii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo heshiiska la saxiixday Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa waxaa doorashadii cusbeyd kaga guuleystay musharaxii mucaaradka.
Tan iyo markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis uu garwadeen ka yahay Turkiga, lama oga halka uu ku dambeyn doono heshiiskaasi dhinaca badda.
Dalalka Geeska Afrika, wadamada awoodda leh ee aduunka ayaa saldhigyo ciidan ka sameystay dalalka Djibouti, Soomaaliya iyo Kenya.
Itoobiya waxa ay tababaraysay ciidan badeed oo la kala diray sanado badan ka hor si ay u daboolaan baahideeda gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Jabuuti midkoodna horay uma soo bandhigin inay rabaan inay Itoobiya siiyaan saldhig badda ah marka laga reebo dekedaha.
Markii heshiiska lala gaaray Eritrea, saldhigga Casab ayaa ujeedooyinkaasi in uu buuxiyo loogu talagalay, hase ahaatee, laguma guulaysan.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in tani ay tahay sababta ugu weyn ee saraakiisha Itoobiya ay u tageen Soomaaliya.
Waxa kale oo jira kuwa sheegaya in tani ay tahay sabab kale oo Itoobiya ay u diiday inay Jabuuti siiso dekedda Tajura. In jawaab loo helo su'aashan waa mid adag.
Haddaba ma la dhihi karaa Itoobiya waxay aqbashay yaboohii Soomaaliya? Way adag tahay in hadda la fahmo arintaas.
Laakin u dhawaanshaha, badda iyo sifooyinka wanaagsan ee lagu gaarayo biyaha iyo kuwa kaleba, Itoobiya waxay hore u dalbanaysay Badda Cas.
Sida heshiiskoodu dhigayo, Itoobiya ma heli kartaa marinka badda cas ah iyadoon ku xad-gudbin madax-bannaanida Soomaaliya?
Taas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya haddii masuuliyiinta maamulada Soomaalidu ay la shaqeeyaan maamulka ka jira Muqdisho. Welina ma jirto wax muujinaya arrintan.
Bbc/somali