" Si aynnu u yarayno shaqo la'aanta, waa in aynnu dhalinyaradeena barno
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta daah-furay Shirweynaha Qaran ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska oo kor loogu qaadayo barashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha Shaqada.
Munaasibadda lagu daah-furayey Waxbarashada Farsadamada iyo Xirfadaha oo ay ka qaybgaleen xubno kamid ah Golaha Wasiirrada Xildhibaano, Aqoonyahan iyo haldoor kale, ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ka jeediyey khudbad ku saabsan muhiimadda ay xirfaduhu u leeyihiin horumarka iyo sida loogu baahan yahay in da’yarta la baro xirfado, waxana uu yidhi:
" Si aynnu u yarayno shaqo la’aanta, waa in aynnu dhalinyaradeena barno xirfadaha shaqada iyo farsamada gacanta, kaddibna ku maalgelinno, kuna dhiirrigelinno in ay iyagu la yimaaddaan hal-abuur ay ku curiyaan shaqo.”
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda WADA-JIJR iyo WAXQABAD ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay kordhin doonto Miisaaniyadda loo qoondeeyey Waxbarashada Xirfadaha Shaqada iyo Farsamada gacanta, waxana uu yidhi: "Waxa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland kordhinaysaa miisaaniyadda waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarrada xirfadaha shaqada ee la xidhiidha warshadaha, beeraha, dhismaha, iyo teknoolajiyada.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dhalinyaradeena lagu qalabeeyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah horumarka Qarankeena. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in is-waafajinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Tababarka (TVET) iyo baahida suuqa shaqada kaliya aanay ahayn dib u habayn Waxbarasho balse ay tahay maalgelin mustaqbalkeena.
Shirkan uu madaxweynuhu maanta daah-furay ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan talooyinka iyo tilmaamo wax ka tari doona dib u habaynta iyo casriyeynta Manhajka Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo tababarrada xirfadaha si loo helo muwaadiniin dabooli kara baahida shaqo ee suuqa ka jirta.