Shaqadeedu waa in ay jaangoyso heerka sonkorta dhiigga la socota,
labadii sano ee la dhaafay waxay warbaahintu aad u hadal-haysay xaalad loo yaqaan "insulin resistance". Waxaa laga qoray buugaag, waxaana laga sameeyey filimo ka hadlaya jimicsiga ama isku-dheellitirkka cuntada oo dadka qoray ay ku andacoodeen in ay xaaladan ka ka hor-tagto ama yareyso iska caabinta insuliinta.
Weertan ayaa soo jiidatay dareen badan, wayo iska-caabinta Insuliintu waxay horseedi kartaa xaalado caafimaad darro oo halis ah, sida heerka labaad ee sonkorowga.
Haddaba, sidee Iska-caabinta Insuliintu u dhacdaa? maxay yihiin calaamadaha lagu garto? ma la daaweyn karaa? Sideese Soonku wax uga tari karaa xakameynteeda?
Waa maxay insulin?
Insulin waa waa mid ka mid ah dheecaamada ugu muhiimsan jirka bini'aadamka, kaas oo uu soo dhiijiyo ganacu.
Shaqadeedu waa in ay jaangoyso heerka sonkorta dhiigga la socota, taas oo jirka u ogolaaneysa in uu keydsado islamarkaana u isticmaalo tamar ahaan.
Dhibaatooyin badan ayaa qofka la soo gudboonaada haddii ganacu uusan soo deyn insuliin ku filan, amase uusan jirku u adeegsan sidii la rabey.
Insulin wuxuu jirka uga shaqeeyaa sidan soo socota:
Jirku wuxuu cunta la cuno u beddelaa glucose (sonkor), taas oo ka dhigan isha koobaad ee jirku ka helo tamar ama itaal.
Glucose waxay raacdaa qulqulka dhiigga, taas oo ganaca u dirta fariin lagu farayo in uu soo daayo insuliin.
Insulin waxay u sahashaa glucose-ka ama sonkorta dhiigga la socota in ay gasho murqaha, duxda, iyo unugyada beerka, si loogu adeegsado tamar ahaan ama loogu keydiyo mustaqbalka.
marka glucose ay unugyada jirka gasho, islamarkaana heerkeedu dhiigga ku yaraado, tani waxay marka fariin u dirtaa ganaca,m taas oo ay ku fareyso in uu joojiyo soo saarista insulin.
Maxaa loola jeedaa Iska-caabbinta Insuliinta?
Iska caabinta Inuliinta (Insulin resistance) waa hannaan isku milqan oo dhaca marka unugyada ku jira murqaha, duxda iyo beerku ay Insulinta u nqaadan ksidii la rabey.
Tani waxay sababtaa in ay joojiyaan habsami u qaadashada ama kaydinta glucose-ka jirka ka imaaneysa.
Ganaca ayaa dabeed soo saara insuliin dheeri ah si uu ula tacaalo sonkorta dheeriga ah ee dhiigga dhex qulquleysa, xaaladdaas oo loo yaqaan hyperinsulinemia.
Inta uu ganacu soo deynayo Insuliin ku filan daboolista habacsanaanta ku timid unugyada, heerka sonkorta dhiiggu waxay ku sugnaataa xayndaabka caafimaadka.
Laakiin haddii haddii iska-caabbinta unugyada ee Insuliintu ay yaraato, waxay horseedi kartaa Sonkorowga loo yaqaan Nuuca labaad iyo xaalado kale oo fayodarro.
Franklin Joseph, oo ah dhakhtar ku takhasusay cilmiga qanjirrada , sonkorowga iyo daaweynta guud oo ka hawlgala Caymiska UK ee loo soo gaabiyo NHS, iska-caabbinta insuliintu waa xaalad murugsan oo ay kenaan sababo isbiirsaday, sida hidde-raac, qaab nololeed iyo daruufo dhanka deegaanka ah. Sababta dhabta ahna dadku wey ku kala duwan yihiin.
Wuxuuse qabaa in arimahan soo socda ay fududeyn karaan:
Cayilka: Jirka oo dufanku ku badan yahay, gaar ahaan baruurta caloosha fuusha oo inta badan lala xiriiriyo xaaladdan
Fadhiga badan: Qofka fadhiidka ah ama aan si joogto ah u dhaqdhaqaaqin wuxuu u ugul yahay.
Hidderaac: Dadka qaarkiis waxay ka dhaxli karaan waalidkood.
Cunto xumo: Cunista cuntada warshadeysan, tamarta la sifeeyey iyo sonkorta ayaa keeni kara iska-caabinta insuliinta.
PHGurdo yaraanta: Hurdada oo yaraata ama qalqal gasha ayaa sababi kara iska-caabinta insuliinta.
gabowga: Marka dadku gaboobaan, unugyada jirkoodu wuxuu gabaa la falgalka Insuliinta, taas oo keenta kara iska-caabinta insuliint
Soonka Ramadanka
Muslimiin badan ayaa sooma bisha Ramadaan inta u dhexeysa qorrax ka soo bax illaa qorrax ka dhac.
Hay'adda la yiraahdo Diabetes UK oo qaabilsan la socoshada sonkorowga oo dadka macaanka qaba kala talisa arrimaha la xiriira caafimaadka ayaa sheegeysa in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah marka ay timaaddo soonka iyo sonkorowga.
"Waa muhiim in la hubiyo in dadka la nool macaanka ay la tashadaan dhakhtar ka hor inta aysan soomin", ayuu yiri Professor Wasim Hanif, oo cilmiga qanjirrada iyo sonkorowga ka dhigjaamacadda University Hospital Birmingham.
Prof Joseph ayaa dhankiisa sheegay in soonku uu hagaajiyo dhiifoonaanta insulinta, gaar ahaan bukaanada qaba iska-caabinta insuliinta iyo sonkorowga nuuca labaad.
Intaas waxaa dheer, dadka sooma qaar waxay lumiyaan miisaan dheeri ah ama waxaa is dhima duxda ku hilan jirkooda. Isbeddelkaas ayaa wuxuu saameyn ku yeelan karaa falcelinta iyo falgalka insuliinta, gaar ahaan dadka buurbuuran.
Nafaqoyahan Reem Al-Abdallat ayaa sheegay in loo baahan yahay in cuntada la isku dheellitiro xilliga soonka.
bbc/somali