![]() |
Waa maxay xaqiiqada dunidu? Waa Xumbo ka wadata midabada qaansoroobaad ee quruxda badan, waa ay dhalaalaysa. Haddana markeliya si lama filaan ah ayay u baaba’daa.
Mid ka mid ah Buugtaugu yaabka badnaa ee uu qoray qoraagii iyo mufakirkii Marxuum Dr. Mustafe Maxamuud, waa Buuga " KUwwi Qoslay ilaa ay Ooyeen”
Buuggu waa sheeko-xariiro gaagaaban oo uu qoraagu ku soo ururiyey xaqiiqada nolosha adduunyo iyo halganka weligeed ah ee u dhexeeya xumaanta iyo samaha, sida uu Ilaahay inoogu cadeeyay iyo sida caddaaladda Rabbaaniga ah ay had iyo jeer u jirto, iyo sida abaalgudku ula mid yahay camalka aad samaysay wanaag iyo xumaan. " Abaalku waa nooca camalka aad samaysay”.
Buuggu waa mid aad u xiiso badan, waxaana ku jira sagaal sheeko oo gaagaaban:
Gacan Ku Dhiigle Aan Dilaaga ahayn – Camal Aad U Wanaagsan – Dhamaadkii Ruuxda – Sheekadii Maamulihii Bankiga – Qabrigii Alexander – Dhakhaatiirta Qarsoon – Isagoo Qosol Ku Dhintay – Sheekadii Ilmaha Tijaabada Ah – Saddexdii…
Qisaskan kooban ee uu Buugga qoraagu xambaarsan yahay waxa uu inoogu sawirayaa duruus iyo akhlaaqdii nolosha ee dadka in badan ku qosli jiray ilaa ay oohintii ka dhammaatay….
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!