"Markii Ugu Horaysay Ee Aanu Kulano Madaxweyneha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi

Tuesday February 25, 2025 - 11:23:15
hadhwanaagnews
Markii aanu la kulanay waxa uu noo qaabilay si diiran oo farxad iyo qosol
No description available.

Horaantii mudo xileedkii Baarlamaankii la doortay September 29th 2005 oo uu gudoomiye u ahaa Madaxweyneha Somaliland ee wakhtigan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaan tagay xarunta Baarlamaanka aniga oo sita booster cabirkiisu ahaa 100x60 oo ah nooca gidaaradda la suudho oo ay ku jirtay xogta ama Data-da xildhibaanadii Golayaasha Deegaanka ee la doortay December 15th 2002 .

Magacyadooda iyo ururadii ay ka soo kala baxeen iyo Madaxweynihii iyo Ku xigeenkiisii la doortay 14th April 2003 Daahir Riyaale Kaahin, Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Wakiilada ee la doortay September 29th 2005 magac Ahaana aan u bixiyey "First Democratization Process In Somaliland” kaas oo aan ugu talo galay taariikh ahaan in loo sudho xarunta Baarlamaanka.

Waxaa ii qorshe ahaa oo aan xarunta golaha kula balansanaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Maxamuud oo labadayadda aabo ay kala dhaleen laba walaalo ah aniga oo ah Ismaaciil Cali Axmed Maxamuud na aanu ilmaadeer labaad nahay, wuu I ka xeeyay sidii qorshuhu ahaa oo waxa uu ii geeyay Madaxweyneha Somaliland ee wakhtigan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo markaa ahaa guddoomiyaha 1aad ee golaha wakiiladda si aan ugu sheego ujeedka qastigayga.

Markii aanu la kulanay waxa uu noo qaabilay si diiran oo farxad iyo qosol dhoola cadayn ahi ka muuqato, Xildhinaan Qabile ayaa hadalka bilaabay oo yidhi alle ha u naxariistee " Cabdiraxmanoow ninkani waa walaalkay, waxaanuu kuu sidaa boostar xasuuus qor ah oo uu sameeyay oo uu rabo in la sudho Golaha” intaas kadib waxa uu akhriyey booster-ka halkan ku lifaaqan oo ay xaga sare kaga jireen Sawiradda Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka iyo sidoo kale shirgudoonka goluhu, intaasi kadib waxa uu amaray in la sudho xafiiiskiisa iyo kuwa labada guddoomiye ku xigeen, waxaana uu ii qoray kharashkii aan soo qoondaystay ee aan shaqadda ku qabanaayey,

Anaga oo wali aan xafiiska ka bixin aniga iyo xildhibaanku ayaa waxaa soo galay Ambassador Cawil Cali Duccaale oo ahaa Wasiirka Mmaaliyadda, waxa uu arkay boostarkii oo waxa uu yidhi waxaad igu sugtaa dibada, maadaama oo aanu ka baxaynay xafiiska guddoomiyaha oo aanu hawshayadda dhamaysnay aniga iyo Xildhibaan Qabile, inataasi kadib markii aanu soo baxnay waxaan fasaxy xildhibaankii oo waxaan halkii ku sugay Wasiirkii, waanu soo baxay waxyar kadi oo waxa uu I qabtay gacanta oo meel gaar ah ayuu ila istaagay, waxaanu igu yidhi ‘waxaad samaysaa boostar kale oo aad ka soo saartay sadexda sawir ee shir guddoonka, kuna soo reebya Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo kali ah, ii keen xafiisyadda Dalka oo dhan ayeynu sudhaynaa oo waan kaa daabacanayaaye’ waxaan idhi "haye”.

Intaasi kadib waxaan sameeyay sambal-kii oo markii aan isaga oo yar daabacay ayaan hadana naftayda la hadlay oo aan ku qanciyey inaan arintaa kala tashado Gudoomiye Cabdiraxmaan oo hada ah Madaxweynaha Soomaaliland, markii aan ku noqday, waxaani isla garanay inaaan xasuusta sidaa aan taariikh ahaan ugu talo galay u daayo, kumana noqon Wasiirkii oo gudoomiye Cabdiraxamaan iyo ku xigeenadiisii ayaa ii diray shaqooyin badan oo golahu u baahna.

Intani waa inta aan ka xasuusto wadashaqaynta na dhex martay Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, wakhtigaa sidii aan u arkaayey waxa uu ahaa qof dadnimo soodhaweyn iyo qiimayn ay dadku la leeyihiin oo ku faraxsanaa in qorshe loola tago, waana astaamaha hogaamiyaha wanaagsan. "

W/Q Ismaaciil Cali Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...