Maxaa Looga Baahan Yahay Murrashaxa Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka?

Thursday February 20, 2025 - 13:18:34
hadhwanaagnews
Caqabadaha ka dhalan kara xullasho aan loo meel-dayin:




Somaliland waa dal ku yaalla Geeska Afrika, oo tan iyo 1991 si buuxda u maamulayey arrimihiisa gudaha iyo dibadda, inkastoo aanu weli helin aqoonsi caalami ah.

Waa waddan leh xasillooni siyaasadeed iyo nidaam dimuqraadi ah oo u gaar ah, kaas oo ku salaysan wada-tashi, sharciyad, iyo doorashooyin xor ah.

Dastuurka Somaliland wuxuu qeexayaa nidaam dowladeed oo saddex geesood ah: Xukuumadda, Golaha Wakiillada, iyo Golaha Guurtida, kuwaas oo si wadajir ah u maamula howlaha qaranka.

Sidoo kale, dalka wuxuu leeyahay goleyaal deegaan oo doorasho ku yimaada, kuwaas oo ka shaqeeya horumarinta degmooyinka iyo adeegyadooda.

Inkastoo caqabadaha ay jiraan, Somaliland waxay mudnaan siinaysaa kobcinta dimuqraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka iyo ururrada caalamiga ah. Waxay tusaale u noqotay geeska Afrika, iyada oo si nabad ah u qabata doorashooyin iyo xukun la kala wareegis hufan.

Sido kale Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiye aqoon leh, karti u leh inuu qabto shaqooyinka muhiimka ah ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka. Si loo xaqiijiyo horumar waara, waa in xildhibaanada golayaasha ay noqdaan kuwo hufan, aqoon leh oo diyaar u ah inay si daacad ah ugu adeegaan shacabka. Tani waxay xaqiijinaysaa in golayaasha Somaliland ay noqdaan kuwo waxtar leh, oo dalka iyo bulshada ugu adeegaya si hufan.

Caqabadaha ka dhalan kara xullasho aan loo meel-dayin:

Siyaasadda Somaliland waxay la timaadaa tartan doorasho oo culus, iyadoo musharrixiinta qaar aysan lahayn aqoon ama waayo-aragnimo ku filan oo ku saabsan shaqooyinka golayaasha. Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka waa inay leeyihiin aqoon qoto dheer oo ku saabsan sharciyada, maamulka dowliga ah, iyo siyaasadda. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah musharrixiinta ayaa ku soo baxa doorashada, iyagoo aan loo tixgelin aqoontooda iyo khibradooda, taasoo sababi karta dhibaatooyin.

Dhaxal xumada Natiijada doorashada noocaas ah:

Marka musharrixiinta aan ku habboonayn ay soo baxaan, waxaa dhici karta in golayaasha ay yimaadan dad aan aqoon u lahayn shaqooyinka ay qabanayaan. Tani waxay saameyn toos ah ku yeelan kartaa horumarka dalka iyo deegaanka, iyadoo golayaasha laga yaabo inay noqdaan kuwo aan wax horumar ah ka soo kordhin. Musharrixiinta aan aqoon ku filan u lahayn shaqadooda waxay sidoo kale abuuri karaan khilaafyo iyo isku dhacyo bulshada dhexdeeda.

Xalka iyo Talada:

Si loo xalliyo caqabadahan, waxaa muhiim ah in bulshada iyo cid kastoo wu khusayso ay sameeyaan wacyigelin si musharrixiinta aqoonta leh ee u qalma inay soo baxaan. Waxaa loo baahan yahay guddi adag oo kala xula musharrixiinta, iyadoo la dejinayo shuruudo sharciyo adag oo tixgelinaya aqoonta iyo waayo-aragnimada musharrixiinta. Tani waxay ka hortagi kartaa in golayaasha ay yimaadan xildhibaanno aan aqoon ku filan u lahayn shaqooyinka ay qabanayaan.

Astaamaha Xildhibaanka Wanaagsan ee ay mudantahay in aynu doorano:

  1. Golaha Wakiillada (House of Representatives)

Xildhibaanka Golaha Wakiillada waa hoggaamiye ummadeed oo matala shacabka, waxaana habboon inuu yeesho:

  • Aqoon & Waayo-aragnimo – Inuu leeyahay aqoon sare oo ku saabsan sharciyada, maamulka dowliga ah, iyo siyaasadda. Khibrad shaqo oo la xidhiidha maamulka, hoggaaminta, ama u doodista xuquuqda bulshada waa lama huraan.
  • Kartida Sharci-dejinta – Faham qoto dheer oo ku saabsan xeerarka, dastuurka, iyo nidaamka dowladnimada si uu ugu gacan gaysto sameynta sharciyo waxtar leh.
  • Damiir & Daacadnimo – Inuu noqdo qof hufan, aamin ah, oo aan dan gaar ah ka lahayn xilka uu hayo.
  • Diblomaasiyad & Xirfad Wada-hadal – Karti u leh inuu laxidhiidho shacabka, hay’adaha dowliga ah, iyo daneeyeyaasha kale, ugana helo taageero mashaariic horumarineed.
  • Xisaabtan & Dulqaad – U adkaysiga cadaadiska siyaasadeed iyo la xisaabtanka bulshada, isagoo diyaar u ah inuu caddeeyo waxqabadkiisa.
  • Hoggaamin & Aragti Fog – Inuu leeyahay qorshe cad oo lagu horumarinayo dalka, laguna xallinayo caqabadaha bulshada.
  1. Golaha Deegaanka (Local Councils)

Xildhibaanka Golaha Deegaanka waa hoggaamiye heer degmo, waxaana muhiim ah inuu yeesho:

  • Aqoon & Khibrad Maamul – Fahamka nidaamka dowlad-hoose, qorsheynta horumarka, iyo maaraynta adeegyada bulshada sida biyaha, nadaafadda, iyo dhismaha wadooyinka.
  • Waayo-aragnimo Shaqo – Khibrad ku saabsan maamulka degmada, la shaqaynta bulshada, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed si loo xaqiijiyo horumar waara.
  • xidhiidh Bulsho & Garasho Wanaagsan – Inuu la jaanqaadi karo shacabka, dhegaysto baahiyahooda, oo xalliyo dhibaatooyinka ay la kulmaan.
  • Xal-u-helid & Maskax Furan – Ka fakarka xalal waara oo lagu horumarinayo deegaanka, isagoo kaashanaya khubaro iyo ganacsato maxalli ah.
  • Dadaal & Daacadnimo – Inuu yahay shaqsi hawlkarnimo iyo karti leh.
Cali Shaami
     
Loading...