Shan Rah ay maalin kuwada fadhiyay goob weyn oo caleemaha ubaxa ah ilaa uu mid ka mid ah go’aansaday inuu ku boodo biyaha. Marka immisa Rah ayaa ku hadhaya ubaxa ?
Hadday jawaabtaadu tahay "afar,” markaa shaki la’aan waxaad tahay xisaabiye aad xariiif u ah habka xisaabta… laakin, ujeedada sheekadani maaha inay ku siiso cashar xisaabeed. Kaliya waxa aad ka qaadan kartaa cashar nolosha ah!
Jawaabta saxda ah waxa weeyi in ay "shan.” Rah "ku hadheen ubaxa. Maxaa yeelay Rahu waxa uu go’aansaday inuu boodo, laakiin dhab ahaantii weli ma boodin.
Noloshuna waa sidaas oo kale. Go’aanka aad gaadho waxa muhiim ah inaad fuliso, haddii kale halkii ma dhaafaysid. Noloshu waa ciyaar loo baahan yaay inaad guulaysato. Laakiin Ma aha ciyaar aad u ciyaareyso daawadayaal. Waxa ay u baahan tahay dadaal iyo dulqaad. Ma lihid doorasho aad ku ciyaarto iyo in kale… laakiin waxaad qayb ka tahay ciyaarta adigoo ku khasban, hadaad bugato iyo hadaad caafimaad qabtaba, laga bilaabo maalintaada koowaad ee nolosha ilaa dhimashadaada. Inta u dhaxaysa waxa aad ku guulaysan karta ciyaarta adigoo dadaal iyo adkaysi kaga gudba caqabadaha nolosha ee kala danbeeya.(Ahmed Ali Haybe)
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!