Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro oo shalay ka qeyb-galay shirka Dawladaha Adduunka ee ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey dal ay si weyn uga sugayaan ictiraafka ay mudada badan raadinayaysay Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu rajeynayo in dalka Maraykanku uu noqdo dalka ugu horreeya ee aqoonsada qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xilli dhawaan hadal-haynta arrintan ay si weyn u faaftay inay qorshaha ugu jirto madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump.
"Waxaan rajaynaynaa in Maraykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyaddas Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha Somaliland nasiib darro ku tilmaamay midowgii Somaliland gashay sannadkii 1960-kii, kaas oo uu sheegay in xilligaas looga dan lahaa in lagu raadiyo Midnimo Soomaaliyeed, balse ay Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideeda ma rkale 1991-kii.
"Marka la eego xaaladda dunnidu maanta ku sugan tahay, Somaliland waxay ku taalaa goob istiraaji ah. Dal ahaan Somaliland waxay xornimada qaadatay 26 June 1960, nasiibdaro waxaan goosanay inaanu raadino midnimada shanta Soomaaliyeed lana midowno Soomaaliya oo helay xornimadooda shan maalmood ka dib 1 July 1960.
Somaliland waxay dib xornimamdeeda ula soo noqotay 18-kii May 1991, lakiin ilaa wakhtigaa Somaliland aqoonsi kama helin wadamada caalamka. Laakiin caalamku waxay noola macaamilaan dal madaxbanaan.
Hadal-jeedinta Madaxweyne Cirro oo isugu dhafnayd mid uu ku iib-geeynayey qaddiyada Somaliland ee aqoonsi raadinta iyo muhiimada dekedda Berbera ayaa ku dheeraaday wixii u qabsoomay soddonkii sanno ee la soo dhaafay, goobta ay ku taallo iyo muhiimadda ay u leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah.
"Dekedda Berbera waa ka caan Badda Cas, shirkada DP World ayaa 400 milyan ku maalgelisay, taasoo casriyeysay kordhisayna adeegyadeeda.”
Madaxweyne Cirro oo ka hadlayey xidhiidhka Itoobiya iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland ayaa sheegay inuu dhamaystiri doono heshiisyada is-weydaarsiga ganacsiga, waxaanu yidhi, "Waa deked muhiim ah oo adeeg siisa wadamadda aan dekedaha lahayn. Macmiilka ugu weyn waa dalka aanu jaarka iyo saaxiibka nahay ee Itoobiya oo tiradoodu 140 milyan ka badan tahay. Waxaan rajeynayaa inaan dhamaystirno heshiisyada isweydaarsiga ganacsiga labada wadan dhamaadka sannadkan. Waxa uu intaa sii raaciyey "Waxaan rajeynayaa in aannu dhammaystirno heshiiska isu gudbinta badeecadaha ee Itoobiya iyo Somaliland ka hor dhamaadka sannadkan aan ku jirno.”
"Somaliland waxay leedahay xeeb dhereran 850-KM oo ku taalla gacanka Cadmeed. Magaalada Berbera oo ah deked istaraatijiya waxa xilligii dagaalkii qabooba adeegsaday quwadihii Ruushka iyo Maraykanka, waxaad halkaa ka ogaan kartaa muhiimadda ay leedahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Mar uu Madaxweyne Cirro ka hadlayey horumarka dhinaca dawlad-dhiska iyo nidaamka doorashooyinka, waxa uu sheegay in dalkiisa si nabad ah xukunka loola kala wareego. "Marka loo eego nidaamkayaga dimoqraadiga ah, waxaan beesha caalamka ka filaynaa abaalmarin, waxaan xidhiidh fiican la leenahay Maraykanka, Ingiriiska iyo wadammo badan oo caalamka ah, imika waxaan rajeynayaa in Maraykanku noqdo dalka koowaad ee aqoonsi siiya Somaliland.”