Dekeddu waxay jirtay ka hor inta aan la furin dekedaha
"DP World waxay dooratay dekedda Berbera, sababo ay ka mid yihiin taariikhdeeda dheer iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee ay leedahay.
Dekeddu waxay jirtay ka hor inta aan la furin dekedaha kale ee Badda Cas, hase yeeshee waxaa la iska indho tiray muddo dheer. Markii aan qiimeynay suurtagalnimada maalgelin ee gobolka, waxaanu ogaanay in Berbera ay leedahay fursado dhaqaale oo ballaadhan.
Dekeddu waa marin muhiim ah oo isku xidhaysa Afrika, Bariga Dhexe, iyo Aasiya, taasoo ka dhigaysa xarun ganacsi oo kobci karta haddii si sax ah loo horumariyo." Maamulaha guud ee DP World.