Maxay kawada hadleyn M.Xasan Sheekh M.Yoweri Museveni

Friday February 07, 2025 - 13:51:12
hadhwanaagnews
Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof, masrax iyo qoraal


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.
Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof iyo qoraal odhanaya '5Y-YBX 5Y- BX 75'
Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, masrax iyo qoraal
Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof, Xafiiska Shaqada ee Madaxweynaha Mareykanka iyo masrax
Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof iyo masrax
Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof, masrax iyo qoraal
Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo masrax
Waxay noqon kartaa sawirka 9 qof
Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof, masrax iyo qoraal

     
Loading...