Waa kuwo aan kalsooni lahayn
Horaa loo yidhi: nimco waliba nusqaan leh. Haddii aad maqashay uun dabeecadaha wanaagsan ee dadka garaadka badan , waxaa jira carqallado door ah oo ay leeyihiin. Waa kuwan arrimaha taban ee ay leeyihiin:
1. Way falaqayn badan yihiin ( over-analyzing)
Dadka caqliga badani tallaabo kasta oo ay qaadayaan ka hor, waxaa ay sameeyaan indha-indhayn badan. Dhinacyo doora ay wax ka eegaan, iyaga oo aan wax tallaabo ah qaaddayn.
Xaaladda in la falaqeeyo oo kolba gees laga istaagaa way wacan tahay , laakiin ta aadka u xuni waa ka fikiridda badan iyo ka eegidda geeso badan , iyada oo aan wax tallaabo ah lagu dhaqaaqayn.
Carqalladan dadkan haysataa waa xitaa haddii hawl yar ay ku dhaqaaqayaan, waxay ka fikirayaan inbadan, waxaana laga yaabaa in ay fursaddii dhaaftaba; go'aankastaba way rogrogayaan in door ah, taasi oo ku keenni karta walaac iyo inay xaaladda si taban u arkaan.
2. Waa kuwo aan kalsooni lahayn
( not being confident)
Waa kuwo caqli badani , balse waxay ka maqan yihiin qaybta kalsoonida.
Waxay ka laaban doonaan dhabtii waxay samayn karaan, sababta oo ah ma aamisana nafahoodda; taasi waxaa ugu wacanna waa iyaga oo garanaya inayna iyagu ahayn kuwa ugu caqli badan dadka.
Dadka maskaxda badan had iyo goor waxay isbarbar dhigaan kuwa ka sarreeya, halka dadka aan caqli badnayni ay nafahoodda barbardhigaan kuwa ka hooseeya iyaga!
3. Inay noqdaan kuwo aad isugu kalsoon( being too confident)
Ma jirto meel dhexe marka ay timaado kalsoonida xaga dadka caqliga badan.
Waa laba midkood uun, inay noqdaan kuwa aan gabi ahaanba aan wax kalsooni ah lahayn iyo inay noqdaan kuwo kalsooni badan leh, laakiin kalsoonidaasi ay ka dhigto kuwo isla wayn oo aad u kibirsan.
Waxay isku haystaan in ayna caqliga badan ku helin nasiib, balse ay si joogta ah ugu halgameen; maskaxbadnaantooda inay sabab u tahay inay duniddan kula-nool yihiin dad doqomo ah oo ka hooseeya iyaga. Taasi waa sababta ka dhigtay inay ku faanaan maskaxdooda badan.
Islawaynaantoodani waxa ay ka dhigtaa inay ka indhala'aadaan fikradaha kale , taasi oo adkaysa nolol maalmeedkooda; waxay u malayn karaan inay kaligood wax ka qaban karaan, xitaa haddii ayna wax ka qaban karayn!
Tanina waxay u horseeddaa dadka caqliga badan niyadjab ayna waligood qiran inay haysato.
Waxay u haystaan inay wax kasta qaban karaan, dadka kalena ma aamisana inay wax qaban karaan; kaligood ayaa wax yaqaan; cid kale inay caawisana ma ogola.
4. Caqliyadda shucuurtooda oo hoosaysa, waxay u horseeddi kartaa kelinnimo!
Caqliyadda shuxuurtu waxay ku dhisan tahay inaad is-fahanto shucuur ahaan, dadka kalena aad fahanto dareenkooda, dabadeed aad maarayso.
Haddaba, dadka garaadka badan, balse ay Caqliyadda dareenkoodu hooseeyo( lower emotional intelligence) waa kuwo aan nafahoodda aan fahmin, dadka kalena aan dareenkooda fahmin.
Dadka maskaxda badan , waxa ay doonayaan ama rabaan waxay ku helaan, sabab macquul ah; cid kasta oo ku xeerana sidaas ayay kaga helaan.
Dadka kale ma dareemaan ama shuxuur ahaan kuma xidhmaan dadka kale, si ay uga helaan waxa ay rabaan, sababtuna waxaa weeyi, inayna ahaynba dhaqankooda.
Mar haddii ayna dadka kale dareenkooda fahmi karin; dad kalena ayna waxay rabaan u sheegan karin, tani waxay ka dhigtaa kuwo had iyo goor keli jooga oo aan lahayn asxaab.
Haddii ay qof kale wax ka rabaan, way adag tahay inay dareenkooda u sheegtaan