Xilli Abiye Axmed uu isu Diyaarinayo Dagaal Aratariya oo TPLF-tii Tigreegu kala Wareegtay Adigrat

Wednesday March 12, 2025 - 07:05:14
hadhwanaagnews
Qolada mucaaradka waxaa hoggaan u ah Debretsion Gebremichael,



Abiye Axmed waa uu ku adkaaday dagaalkii Tigreega, TPLF-tiina waxa uu u kala qaybiyey qolo mucaarad ah iyo kuwo maamula maamulka kumeelgaarka ah ee Tigreega, waxaana madax u ah Getachew Reda, fadhigooduna waa Mekele iyo Adigrat.

 

Qolada mucaaradka waxaa hoggaan u ah Debretsion Gebremichael, madaxweynihii hore ee Tigreega, ahna macalinkii soo tababartay Abiye Axmad. Debretsion Gebremichael ayaa haysta taageerada shacabka, saraakiisha ciidanka iyo waliba sirdoonkii Tigreega ee Addis Ababa ka soo haajiray.

 

Getachew Reda waxaa Madaxweyne Tigreega u magacaabay Abiye, wuxuuna taageero ka haystaa RW iyo maamulka Oromada OPDO.

 

Tan iyo heshiiskii Koonfur Afrika, waxaa markii ugu horraysay maanta gacan-ku-haynta magaalada Adigrat la wareegay Ciidamada Difaaca Tigreega (TDF).

     
Loading...