Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo waftigiisa
Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)iyo wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo safar shaqo ku yimid gobolka hawd ayaa si diiran loogu soodhaweeyey deegaano ka tirsan gobolka hawd
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo waftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen Degmada gumburaha waxaa halkaasi ku qaabilay Maamulka heer gobol iyo Maamulka degmada gumburaha oo ay weheliyaan boqolaal dadweyne ahi.
Intaasi ka dib Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro
ayaa duleedka koonfureed ee Magaalada Gumburaha ee gobolka Hawd si rasmi ah uga dhagax-dhigay jidka isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Bali-gubadle .