DEG DEG Ugu Danbeyn M.Cirro Iyo Ruto Oo Kulmay

Friday May 30, 2025 - 16:22:42
hadhwanaagnews
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan
May be an image of 7 people


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mudane Dr. William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi waxa ka mid ahaa:

????. Iskaashiga labada dal iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka Diyaaradaha.

????. Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

????. Iskaashiga Waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay'adaha Dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku qotoma taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.
     
Loading...