Waddani Oo Kulmiye Ku Eedeeyay Inuu yahay Qaran dumis

Saturday February 08, 2025 - 15:48:55
hadhwanaagnews
Ku Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani


Xisbiga talada Dalka haya Ee Waddani ayaa Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ku eedeyay Qaran dumis-nimo,isku dir iyo kicin dadwayne.

Ku Xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani oo Xisbiga u hadlay waxa uu Xukaamadda gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay in talaabo deg deg ah laga qaado Ex Wasiir Buuni Ahna Afhayeenka Xisbiga Kulmiye.

Waddani waxa uu Caddeeyey Mawqifkiisa ku aadan soodhawaynte Ex Madaxwayne Biixi iyo Sharafta uu qaranka ku dhex leeyahay .
     
Loading...