Naf iyo shaydaan baa ina dhibi jiray waxaase soo saddexeeyay...
Haddii ay hoggaanka kuu qabtaan naf, shaydaan iyo social media waxa aad halis ugu jirtaa in aad dhimanna waydo noolaanna waydo.
Halista baraha lagu wada xidhiidho ay inoo leeyihiin waxaa ugu daran wakhtiga oo kaaluma, caafimaadkaagii oo kuluma iyo akhlaaqdaadii oo ku burburta.
Haddaba waxaa loo baahanyahay in aad iska difaaci karta wakhtigaaga aad kujirtidna dhinca fiican ee wax tarka u leh bulshada iyo naftaadaba aad uga faaiidaysato.
Naf iyo shaydaan baa ina dhibi jiray waxaase soo saddexeeyay baraha bulshada oo labadaasba kasii daran.
Waa seef laba afleey ah hadba dhinaca aad u adeegsato ayay ama kugu anfacaysaa ama kugu dilaysaa.
Social media waxa uu inala qaybsaday caafimaadkeennii iyo walhtigeennii labadaba.
Waa mareeg qoofrta la inoo sudhay balse aynaan kubaraarugsanayn, qofkasta oo isticmaalayana waxaa looga baahanyahay inuu dhanka wanaagga uga faaiidaysto.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!