Suuragal ma tahay in la saaddaaliyo guusha iyo guuldarrada nolosha?

Saturday December 21, 2024 - 15:57:17
Hadhwanaagtv
• inyar kaddib, waxaa lagugu baddali qof danaynaya.

Haa, waliba sida ugu saxsan!

Tusaale ahaan:

1. Caafimaadka:

• Maanta, waxaad tahay mid caajis badan oo fadhi badan; meel inta uu fadhiisto cunto door ah cunna; TV-ga aad u daawada oo dhaqdhaqaaq badnayn.
Saaddaali?
• dhawaan waxaa aad noqon doontaa: qof buuran oo jirran.

2. Shaqada:

•Maanta, dan kama lihid heerka natiijadaada shaqadaada.
Saaddaali?
• inyar kaddib, waxaa lagugu baddali qof danaynaya.

3. Waxbarashada:

• maanta, si joogta ah wax uma baratid; ma joogtaysid inaad si maalinle ah aqoonta u korodhsato.
Saaddaali?
• dhawaan waxaad noqon doontaa, mid dadka ka dambeeya; aqoon gabowday oo laga tagay, ayaa kugu soo hadhaysay; adna dadka waa ka hadhaysaa; ileen aqoonta ma joogtayside.

4. Dhaqaalaha:

• Maanta, waxaa aad kharash gareysaa in ka badan inta dakhligaagu yahay.
Saaddaali?
• dhawaan waxaad ku hafan doontaa dayn!

waxaad goosataa waxa aad beerato!

Aan u soo noqdo weydiintaadii ahayd: suuragal ma tahay in la saaddaaliyo guusha iyo guuldarrada nolosha?
Waxaa aan ku leeyahay xasuuso tan:
Cidda aad noqonayso berri, waxa ay ka bilaabmataa waxa aad maanta qabato/ samayso.

Hadalba gam!

W/T: Maxammad Haybe Axmed.

Qore: Hector Quintanilla.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...