Hambalyo Guusha Shacab ka Suuriya Mohamed Aden Hassan

Monday December 09, 2024 - 19:40:29
hadhwanaagtv
Hambalyo ilaahey ayaa mahad leh mar kasta falistiina way xaroobi...

Waxaan hambalyo wayn u diraynaa shacbiga musliminta ah ee dalka suuriya oo 50 sano ka dib iska dul qaadey dhibtii iyo xasuuqi lagu hayey 10 kii sano ee u dambeyay waxaa dalka jamhuriyada Somaliland usoo qaxey kumanaan shacbigaas ka mid ahaa gob ta ah.

Dagaal ka suuriya waxa u jeedkisu ahaa dagaal diin ku dhisan waxa meesha ku dagalamayey shacbigi suniga ahaa iyo asad kii dhiigyo cabka ahaa oo watey shiico badan oo dawlado waaweyn ku jiraan iyo xisbiyo bariga dhexe ka jira.

Hambalyo ilaahey ayaa mahad leh mar kasta falistiina way xaroobi doonta dhawaan dhibkuna waa iska dhammaan doona insha allah dhawaan aynu badinaba 5 sano ilaa 10 sano guul waynu gaadhina shacbigaasna hala tageero muwadininta jamhuriyada Somaliland eey.

Maxaa keenay Guushan deg deg ah?

Guusha waxaa keenya 4 qodob oo kala ah:
1. Tala saarasho ilaahey iyo ilaahey oo gacan tooda galiyey Guul wayn shacbigaas musliminta ah ee suniga ah.
2. Taagerida dawlado badan sida dawlada turkiga oo si toos ah dagaalka uga qayb qaadetay.
3. Kooxda dagalemaysay oo strategy cusub la tami o xaga dagaal ka ah iyo isku xidhnaan dheeri ah kala dambayn.

4. Technologiyada dagaal ka loo isticmalay sida TB2 oo furimaha ka dhigtey casharo lama ilaawaan ah.
Dhaq dhaqaaqa meesha qabsadey ilaa hada si wacan ayey u wadaan hawlaha iyo strategy gaba waana la wada soconaa hawlaha sida daradeed waxa ay u bahan yihiina in ay maamul daadijin wayn sameyaan oo hawluhu halkii kasi socdana isla markaana aaney aar gosana taas na waan ka filayaa insha allah.
Ugu dambayntii waxaan leeyahay gabaygii ahaa "Bawdada nimey kaga dhacdiyo Boqonta mooyaane , Gobonimo bilaash laguma helo ban iska taal taal, Gabaygii Mohamed nuur Fadal ayaan soo xigtey.
sida daradeed Guul wayn Guul waarta insha allah musliminta meel walba ay joogaana.
08 Dec 2024 maalin axad ah waa maalin wayn taas oo wax badan soo aaf meertay waxaan eegi doona samaynta iyo waxa iman kara mustaqbalka.
Ilaahey ayaa mahad leh.

Aad baad u mahad santihiin saxibayaal.
Mohamed Aden Hassan.
Contact:[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...