Isu imaatin weyn oo ka dhacay Magaalada Sheffield Uk Shalay Fariimo Dhaxal Gal Ah Ayey U Direen Madaxweyna Tegaya Iyo Madaxweynaha Imanaya. Waxaa Kalooy Soo Dhoweeyeen Boqor Cisman Buur-Madaw Oo Reer Sheffield Ah. Xukuumadaha Somaliland Ma Yaqaaniin Shahaado Sharaf Bixinta Mana Siiyaan Qofka Ilaa Uu Dhinto Mooyee Siduu Phaylasoph Gaariye Inoo Sheegay. Boqorka Iyo Qof Kasta Oo Shaqo Ummadda U Qabta(Extra Ordibary) Ahba Waa in Shahaado La Siiyaa.
1-Md. Muse Biixi Fariinta Sheffield Looga Soo Diray Waxay Tahay Mahadnaq Weyn Siduu U Fuliyey Doorashada Isa -Saarka Ahayd Ee Gudida Harjeclo Dhalisay.
2- Fariinta Labaad Ee Reer Sheffield Uk Md Muse U Soo Direen Waxaytay in Uu Khudbad Caalamiya U Jeediyo Reer Somaliland Taasoo Ah in Hantida Dawladda ,Mood Iyo Nool Uu Faro Cid Kastoo Gacanta Ku Haysa Xukuumadiisa Inay Maalinta Xil Wareejinta Keenaan Oo Aan La Bililiqsysan Oo Amar Iyo Hanjabaad U Diraa Kuwa Haya Waayo Haddii Kale Isagay Dhabarka Ka Dhaawacayaan.
Fariinta Ay Usoo Direen Reer Sheffed Waa:
Md.Cabdirahman U Soo Direen Xalay Waxay Tay Inaanuu Waxay Halgan Ka Dheer U Soo Galeen Ee Isbedelka Aanad Baal Ka Marin:
1- Gogol Dhiga Iyo Nabadaynta Reer Somaliland Siiba Sool Iyo Sanaag Inaanay Noqon Hadal Iyo Hilib Ee Waxqabad Muuqda Aad Suurta Gelisaa.
A) Waa Inaad Samaysid Wadada Burco -Hargeysa Oo Ka Dhunkanaysa Wadada Berbera Tuulada Diinqal. Maxaa Wacay Wadada Berbera Ee Dawga-Shiikh Marta Culays Aad U Weyn Baa Saaran, Sannad Walba Khasaare Aan Lasoo Koobi Karin Baa Culayskaa Ka Dhasha.
B) Mashruuca Madaarka Burco Waa Inaad Hirgelisaa Waayo Labadan Arimoodba Nabadaynta Iyo Dhaqaalaha Somaliland Bay Qayb Libaax Ka Qaadanayaan. Burco Afar Dawlad Goboleed Iyo Somaliland Bay Dhex U Tahay Waa 'Albaab' (Albaabkii Burcaan Tegay Anoo Aalladdii Sida E, Amminkiiba La Ii Yimi Sidii Eegti La Ii Yahaye, Ammakaagay Goortay Wankii Adhaxda Tuujeene. Burco Waa Xarun Dhaqaale , Saylada Afrika Ugu Weyn Baa Lagu Sheegaa Ee Xoolaha Nool- Ha Dhuran Dhaqaaluhuna Waxbuu Heshiisiiyaa.
Fariintaa ReerSheffield Kuu Soo Direen Waa Inay Madaxweyne Bar-Bilawgaaga Ka Muuqataa
Wa Bilaahi Tawfiiq
Qoraa Mohamed Bashe.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!