Ra'iisul wasaaraha
Britain Keir Starmer ayaa beeniyay faragelin la sheegay in xisbigiisa Labour-ku
uu ku sameeyay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka.
Ololaha Trump ayaa
gudbiyay dacwad sharci ah oo uu ku sheegayo in xisbiga shaqaalaha ee Britain uu
sameeyay wax ay ugu yeereen wax ku darsi shisheeye oo sharci darro ah ololihii
doorashada Kamala Harris.
Waxay soo xigatay
qoraal hadda laga tirtiray baraha bulshada oo uu qoray Madaxa Hawlaha ee
Labour-ka kaas oo xubnaha xisbiga lagu dhiirigaliyay inay u safraan Mareykanka
si ay ugu ololeeyaan Dimuqraadiyiinta.
Sir Keir waxa uu
sheegay in hawl-wadeeno kasta oo ka qaybqaadanaya ay iskood isu xilqaameen oo
aanay dhaqaale ka helin xisbiga.
Ra’iisul Wasaaruhu
wuxuu sheegay in cabashooyinka aysan wax u dhimi doonin xiriirkii uu la lahaa
madaxweynihii hore ee Mareykanka.