Madaxweyne La Doortay,Inagoon Doorasho Gaadhin,Mid Kaleeto Dulsaar,Ma Ahayn Dhaqankeena.

Saturday October 19, 2024 - 09:03:26
Hadhwanaagtv
Dimuqraadiyadeenii,Dunidan Qaar Higsanaayay,



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Dimuqraadiyadeenii,Dunidan Qaar Higsanaayay,

 

Dalkan Yareen La Aqoonsan,Habrahi Derderna,


 

Dumiyo Waad Aragtano,Darood Wuu Idin Daayay,

 

Gadabuursi Danaysay,Dawladiisi Ciisana Raaca,


 

Isma Doorshe Isaaqoow,Dad Kaleeto Ha Joogee,

 

Idinkii Bays Dulmiyaaye,Haydin Deeqo Dhulkiinu,


 

Waxaan Diidnay Daraad,Yeelimaayo Dadkeenuyo,

 

Damiirkaan Aqbalaynin,Walaalka Ku Duljoogso,


 

Degdeg Bay Ku Dhisnayd,Dawladii La Sameeyayo,

 

Danteenaana Ahayd,Inaan Dhiig Danbe Daadanin,


 

Dagaaladii La Ilooboo,Saamaxaada La Daajiyoo,

 

Distoor Loo Simanyay,Diinteenuna Ay Ogoshay,

 

Dawlado La Wadaago,Dul Iyo Hoos La Sinaado,


 

Dadku Uu Isjecelaado,Dariiqa Seexdo Amaane,

 

Daanada Dalka Gaadhay,Ilma Doorasha Doon,


 

Akhiro Waa Dumadooda,Kuwiina Doranayee,

 

Durbaanadaw Tumayow,Dinbiga La Wadaaga,


 

Daamankiisiyo Dameer,Bal Aduu Kala Dooro,

 

Dadweynow Taladayda,Ku Dadaala Amaanka,


 

Dariiqa Loo Marayo,Digtator Waynu Naqaan,

 

Dawlad Reer Lagu Doorto,Distoorke Qoraya,


 

Dagaal Weeye Qabiil,Dumintii Qarankeenan,

 

Dardaaran Aan Idin Siiyee,Duqayno Taliyaa,


 

Dulqaadkeda Maleyay,Dagalu Ka Badbadsho,

 

Bulshada Daranyaysan,Allese Daayicimaayo.

 

Ismail Abdillahi Handuleh

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...