Saadaasha Tirada Codadka Ugu Yar Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Mar Labaad Ku Guulaysanaayo Doorashada 2024ka Qalinkii:- Miyir Cali Xuseen

Saturday October 19, 2024 - 07:41:15
Hadhwanaagtv
Ugu horreyn, sida aynu ka warqabno wadarta guud


 

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxa sii kululaanaysay xamaasada siyaasada iyo loolanka doorashooyinka la filaayo in ay JSL ka qabsoomaan 13ka November 2024ka. Taasi oo ururada iyo xisbiyada siyaasada Somaliland uu mid kastaaba dhankiisa ka adeegsanaayey tab iyo xeelad kasta oo uu bulshada codkeeda ku kasban karo.

 

Ugu horreyn, sida aynu ka warqabno wadarta guud ee tirada codbixiyeyaasha isku diiwaangaliyey inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinkan inagu soo aaddan 13ka November 2024ka, ayaa waxa ay dhawaan soo bandhigeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku in wadartooda guud ay tahay 1227048 codbixiye oo laga jaraayo 200-kun oo kaadh oo aanay qaadan dadkii lahaa. Markaa wadarta dadka codka bixin kara ayaa noqonaysa 1027048 (Milyan iyo todoba iyo labaatan kun iyo sideed iyo afartan) codbixiye.

 

Saadaashaydan oo marka laga yimaado GOBOLKA MAROODI-JEEX iyo GOBOLKA SAAXIL oo aan 60% (Boqolkii lixdan) ku qiyaasay, ayaa dhammaan gobolada kale ee dalka waxa aan saadaalinayaa in uu ka helaayo cod aan ka badnayn 33% (Boqolkiiba saddex iyo sodon). Haddii aan marka hore guud-maro gobolkasta codka ugu yar ee uu ka heli karo Madaxweyne Muuse Biixii Cabdi, waxa ay u dhigan tahay saadaashaydani sidan:-

 

GOBOLKA AWDAL oo wadarta guud ee dadka ka codeynayaa ay tahay 181000, waxa aan aaminsanahay in uu ka heli karo Madaxweyne Muuse Biixi, ugu yaraan 60,000 oo u dhiganta 33% wadarta guud ee codka gobolkaas yaala.

 

GOBOLKA MAROODI-JEEX oo wadarta guud ee dadka ka codeynayaa ay tahay 497,734, ayaa waxaan aaminsanahay in uu ka heli karo Madaxweyne Muuse Biixi, ugu yaraan 300,000 oo u dhiganta 60% wadarta guud ee codka gobolkaas yaala.

 

GOBOLKA SAAXIL oo wadarta guud ee dadka ka codeynayaa ay tahay 92000, waxa aan aaminsanahay in uu ka heli karo Madaxweyne Muuse Biixi, ugu yaraan 60,000 oo u dhiganta 60% wadarta guud ee codka gobolkaas yaala.

 

GOBOLKA TOGDHEER oo wadarta guud ee dadka ka codeynayaa ay tahay 236279, waxa aan aaminsanahay in uu ka heli karo Madaxweyne Muuse Biixi, ugu yaraan 80,000 oo u dhiganta 34% wadarta guud ee codka gobolkaas yaala.

 

GOBOLKA SANAAG oo wadarta guud ee dadka ka codeynayaa ay tahay 119648, waxa aan aaminsanahay in uu ka heli karo Madaxweyne Muuse Biixi, ugu yaraan 40,000 oo u dhiganta 33% wadarta guud ee codka gobolkaas yaala.

 

DEGMADA CAYNABA ee gobolka SOOL, oo wadarta guud ee dadka ka codeynayaa ay tahay 35565, ayaa waxaan aaminsanahay in uu ka heli karo Madaxweyne Muuse Biixi, ugu yaraan 15000 oo u dhiganta 43% wadarta guud ee codka degmadaas CAYNABA yaala.

 

WADARTA GUUD ee isku-geynta codka uu Madaxweyne Muuse Biixi guud ahaan dalka oo dhan ka heli karo, ayaa markaasi noqonaysa 555, 000 (Shan boqol iyo shan iyo kontan kun oo cod), oo u dhiganta 54% wadarta guud ee codka dalka oo dhan.

 

Guusha uu mar labaad kusoo noqon karo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa aan aaminsanahay in ay sabab u tahay maaddaama oo in ka badan 58% codkii dalku uu yaalo labada gobol MAROODI-JEEX iyo SAAXIL oo uu Madaxweyne Muuse Biixi ka haysto in ka badan 60% (Boqolkii lixdan) codkooda iyo taageeradoodaba.

 

 

 

Qalinkii: Miyir Cali Xuseen

 

Email: [email protected]

 


 

Hargeysa Somaliland

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...