Midowga Yurub Oo War Cusub kasoo Saaray Doorashooyinka Somaliland.

Thursday October 24, 2024 - 01:35:26
Hadhwanaag
"Hadalkan ka soo baxay Midawga Yurub ayaa ku soo beegmaya xili ay dalka …"




Midawga Yurub ayaa ka hadlay doorashooyinka Somaliland ee u mudaysan inay dalka ka qabsoomaan 13 bisha soo socota ee November 2024, kuwaasi oo ololahoodii ka socdaan guud ahaanba Somaliland.

 

Sida lagu sheegay qoraal caawa lagu faafiyey baraha bulshada Internet ka ee Midawga Yurub, Safiirka EU-da ee Soomaaliya Ambassador Karin Johansson oo safar muddo laba maalmood ah ku timid Somaliland ayaa Hargeysa shirar kula qaadatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, hoggaanka xisbiyada, musharaxiinta Madaxweynaha ee xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo lagaga wadahadlay arrimo la xidhiidha hannaanka dimuqraadiyaynta Somaliland sidii ay Somaliland uga dhici lahayd doorasho xor ah, xalaal ah oo lagu wada kalsoonaan karo.

 


Sidaa qoraalkan lagu sheegay Safiirka Midawga Yurub ayaa Komishanka Doorashooyinka qaranka ku ammaantay sida ay ugu diyaar garoobeen hawlaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay qabanqaabada doorashada soo socota ee Somaliland.

 


Hadalkan ka soo baxay Midawga Yurub ayaa ku soo beegmaya xili ay dalka ka socdaan Ololaha Doorashooyinka isku sidan ee Madaxtooyadda iyo doorashada tooska ee Ururrada Siyaasadda, iyadoo sidoo kalena ay dalka soo gaadheen waraaqihii codaynta iyo agabkii kala duwanaa ee doorashooyinku.

     
Loading...