Somaliland iyo Sweden oo ka Wadahadlay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal

Wednesday October 16, 2024 - 09:45:03
hadhwanaagtv
Kulankan labada dhinac, ayaa sidoo kale, waxa lagu gorfeeyey...



Muuse Biixi Cabdi ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Sweden Ambassador Joachim Waern. Waxaana kulankaasi lagu gorfeeyay arrimo dhawr ah oo la xidhiidha cilaaqaadka wanaagsan ee S/land iyo Sweden

 

Sidoo kale, waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Sweden, dhinaca kale, waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Sweden ee mashaariicda dhinacyada horumarinta bulshada.

 

Kulankan labada dhinac, ayaa sidoo kale, waxa lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, waxaanay Somaliland u caddaysay safiirka in dalkan iyo dadkan ay ka go’an tahay inay beesha Caalamka u muujiyaan waxa ay S/land ahaan ka mudan yihiin oo ah inay ka mid noqdaan dalalka la aqoonsan yahay, marba marka ka danbaysana ay buuxinayaan shuruudaha qarannimo.

 

Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

     
Loading...