Maxaa Ku Cusub Gobolkii Geeska Africa?

Sunday October 13, 2024 - 10:00:31
hadhwanaagtv
Haddaba dawlada Masar oo ku socota Ethiopia waxay si badheedh



Laba maalmood ka hor waxa caasimada dalka Erateria ee Asmara lagu saxeexay heshiis iskaashi arimaha bada-cas iyo Bab-Elmendab ah oo sadex geesood ahaa ; Masar , Erateria iyo Maamulka Muqdisho.

 

Ku darso oo wadamadani waxay isku baheysteen Ethiopia , sababahan awgood Masar waxay colaad ka xigtaa biyo-xidheenka Ethiopia dhisatay ee webiga niil , Erateria oo iyaga xataa dhulkii Badhame Ethiopia siisay waxay u arkaan in Ethiopia ku socoto dekeda Asab , halka maamulka Muqdisho heshiiska jamhuuriyada Somaliland iyo Ethiopia dacwo ka yihiin.

 

Mar kale waxa heshiis gaar ah galay Masar iyo maamulka muqdisho oo qeexayey in jamhuuriyadii soomaaliya ee 1991kii ka hor midnimadeeda la ilaaliyo , cidwaliba oo ku duulaan ahna laga difaaco waa sida hadalka loo dhigaye.

 

Haddaba dawlada Masar oo ku socota Ethiopia waxay si badheedh ah duulimaad ugu tahay jamhuuriyada Somaliland , waxaanay si aan gabasho lahayn u sheegeen inay xoog iyo xoolaba la garab taagan yihiin maamulka Muqdisho .

 

Laga soo bilaabo maalintii la saxeexay heshiiskii is-faham ee Ethiopia iyo Somaliland 01-01-2024 waxaa gobolka Geeska Africa xoogeysatay sansaan colaadeed iyo in dalwaliba galo heshiis is-difaac hub iyo saanado ciidana doonto.

 

Xukuumada Djibouti oo xulafo la ahayd maamulka Muqdisho ilaa intii Mou ga la saxeexay kama muuqanin isbahaysiga Asmara oo saxaafadda aduunka qaarkeed ula baxeen ( Anti-Ethiopian Axis ).

 

Bal aan dhawrno waayaha.

Mohamed Abdi Jama

Maxamed Dhimbiil

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...