Marka aynnu eegno isu soo bixi maanta (11 Feb.) lagu soo dhoweynayey Biixi
Somaliland, doorashadii kaddib waxaa la filayey in KULMIYE uu dib isu habeeyo, si uu isugu diyaariyo mucaaradad iyo doorashooyinka soo socda. Taas oo masuuliyiinta ku loolami doona in ay xisbiga metelaan u noqon lahayd fursad ay isku diyaariyaan, dadkana isku baraan.
Laakiin madaxweynihii laga guulaystay weli kama uu degin faraska siyaasadda ee xisbigiisa, habdhaqankiisa siyaasadeedna waxaa ka muuqata, farriin ku socota xisbiga oo ah dib u habaynta uu la rabaa in aanay ka farxin doonin madaxda sare.
Marka aynnu eegno isu soo bixi maanta (11 Feb.) lagu soo dhoweynayey Biixi oo ay abaabuleen afhayeenka xisbiga, iyo masuuliyiin aan xilal sare ka haynin. Waxay ka hor imanaysay go’aankii xisbiga ee uu hore u shaaciyey guddoomiyuhu oo ahaa, in tiro kooban oo masuuliyiinta xisbiga ahi ay ku soo dhoweyn doonto madaarka, taageereyaashuna aanay tegi doonin, gurigiisana tiro kooban loo ogolyahay. Waxaana suurtagal ah in isu soo baxani uu fasax ka haystay madaxweynaha hore ama cid kale oo awooday in go’aanka xisbiga la beddelo.
Waxaa ii muuqda khilaaf huursan oo xisbiga gudihiisa lagu kala aragti duwanaan doono dib u habaynta xisbiga. Mudane Biixi waxa uu si gaar ah saaxadda uga fogeynayaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga mudane Samaale. Labadan nin waxaa hore u dhex maray loolanno adag oo siyaasadeed. Waxaana jira xogo sheegaya in Biixi iyo raggiisa qaar aanay ku qanacsanayn, qaabkii uu Samaale u shaqeeyey xilligii doorashada.
Waxa kale oo muuqata in Biixi aanu hoggaanka xisbiga faraha uga qaadi doonin saaxiibkiisa guddoomiyaha ah, mudane Maxamed Kaahin oo qudhiisa ay dad badan oo KULMIYE ahi dhaliilsanaayeen sidii ay WADDANI iyo ururkii xisbiga noqday ee KAAH, ugaga awood bateen taageerada beeshiisa.
Biixi waxaa fikirkan kula shaqayn doona in badan oo ka mid ah masuuliyiinta darajada dhexe iyo hoose ee xisbiga ee iyagu u arka in Samaale iyo Kaahin oo laga leexiyo hoggaanku ay siin doonto fursad. Tusaale ahaan, afhayeenka xisbiga oo ragga Biixi ah, lagana yaabo in uu doonayo in doorashada dambe loo sharraxo ku xigeen madaxweyne, ama guddoomiye ku xigeen.
Weli ma cadda inta ay Samaale iyo Kaahin oo qudhoodu kala dan siyaasadeed ahi u sii adkaysan doonaan, in xisbiga uu ku dul maamulo mudane Biixi oo aan isagu xil awood leh ka haynin. Sida oo kale waxaa is weydiin leh, inta uu mudane Samaale sii eegan doono saamaynta uu Biixi weli ku jihaynayo taageerayaasha beesha. Lamana oga in Kaahin qudhiisu isu dhiibi doono siyaasiyiinta xisbigiisa ee doonaya in hoggaanka xisbiga dib loogu celiyo beesha madaxweynaha hore.
Marka aan soo ururiyo, waxaa la saadaalin karaa khilaaf siyaasadeed oo xisbiga KULMIYE ka dhex qarxa bilaha soo socda marka ay doorashadu soo dhowaato, haddii aanu mudane Biixi laabta u sii deyn in uu galo hawlgab siyaasadeed, ama aanay Samaale iyo Kaahin is dhiibin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!