Isbahaysi cusub miyaa ka soo bixi doona kulanka madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Friday October 11, 2024 - 09:06:46
hadhwanaagtv
Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Masar ayaa hore si gooni gooni ...



May be an image of 3 people and dais

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa kulan saddex geesood ah ku leh caasimadda Eritrea ee Asmara.

 

Wasiirka warfaafinta Eritrea, Mane Gebre Kress, ayaa bartiisa X soo dhigay in kulanka saddexda dalka ee ka dhacaya Eritrea uu xoojinayo xiriirka u dhexeeya dalalkaas, ammaanka iyo xasiloonida gobolka.

 

Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Masar ayaa hore si gooni gooni ah u tagayay Eretria iyadoo hadana ay booqanayaan wafdi heer madaxweynayaal ah.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Asmara gelinkii dambe ee Arbacada halka madaweyne Al-Sisi uu tagay Asmara subaxnimadii khamiista.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho saddex maalmood ku jooga Eretria waa markii afaraad uu booqnayo in ka yar sanad. Labada madaxweyne ayaa la sheegay in booqashadooda ay ka dambeysay martiqaad ay ka heleen dowladda Eritrea.

 

Madaxweynaha Soomaaliya wafdigiisa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda halka madaxweynaha Masar uu la socdo wasiirkiisa amniga qaranka.

 

Dr. Cali Siciid Fiqi oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha diblomaasiyadda waxa uu qabaa in muhiimada kulanka ay la xiriirto "sidii looga hortagi lahaa damaca Abiy Axmed".

 

"Labada dal waxay aaminsan yihiin dhibaatada gudaha ka haysato Abiy Axmed in uu u wareejinayo Soomaaliya ama Eritrea” ayuu yiri.

 

Sidoo kale Soomaaliya waxay dooneysaa, sida uu sheegay, sidii ay uga hortagi laheyd in uusan dhicin "damac kasta oo Itoobiya ku dooneyso bad ay ka hesho dhulkeeda" ayuu sii raaciyey.

 

"Soomaaliya waxay dooneyso waa in ay ka hortagto heshiiska isafgaradka iyo damaca itoobiya ay bad ku dooneyso”.

 

Warbixin laga helay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa lagu sharaxay in hoggaamiyayaasha labada dal ay ka wada hadlayaan xoojinta xifiirka dalalkooda iyo arrimaha ka taagan gobolka.

 

Eritrea oo xiriirka ay la leedahay Itoobiya uusan fiicneyn ayaa si joogto ah u martigelisa madaxweynaha Soomaaliya oo khilaaf weyn uu kala dhexeeyo Itoobiya kaas oo salka ku haya heshiiskii isafgarad ee Itoobiya la saxiixatay Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaani.

 

Eretria ayaa bishii July ku dhawaaqday in duulimaadyada Itoobiya Airline ee Asmara la hakiyay kaddibna shirkadda waxay wada joojisay duulimaadyada.

 

Labada dal dagaal dad badan ku dhinteen oo ku saabsan xadka u dhexeeya ayaa dhexmaray markaas ayaana la joojiyay duulimaadyada labada dal. Bishii July sanadkii 2010kii ayaa hadana dib loo bilaabay. Hadda xadka u dhexeeya Eritria iyo Itoobiya waa xiran yahay.

 

Is-xulafaysi

Xiisadda geeska Afrika waa mid marba marka ka dambeysa ka sii dareysa. Soomaaliya iyo Itoobiya khilaaf xooggan ayaa ka dhextaagan halka Masar iyo Itoobiyana ay sidoo kale aad isu khilaafsan yihiin.

 

Madaxweyne Isaias waxa uu xoojinayaa xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya iyo Masar halka kii kala dhexeeyay Itoobiya uu sii xumaanayo.

 

Heshiiska isafgaradka ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo aan caalamka aqoonsi ka haysan waxa uu si weyn uga careysiiyay dowladda Soomaaliya kaas ayaana keenay xiisadda u dhexeysa labada dal.

 

Waxaa sii kordhay dagaalka afka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in tani ay horseedi karto dagaal toos layskaga horyimaado oo dhexmara labada dal.

 

Dr Cali Cabdi Baab waxa uu ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, waxa uuna qabaa in Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin shirkan saddax geesoodka ah.

 

"Soomaaliya dan muuqata oo ah mid dhaqaale ama mid amni oo ugu jirta heshiiskan nooma muuqato, itoobiya waxay dhex joogtaa caloosha Soomaaliya, maamul goboleedyda qaar Itoobiya ayey heshiis la yihiin" ayuu yiri.

 

Hadaba maxay tahay ujeedka ugu muhiimsan ay u shirayaan? Dr. Cali ayaa u arka in loo heshiinayo Itoobiya.

 

"Nuuxurka shirka waa iskaashi militari oo saddexda dal sameysteen ujeedkuna waa in lagu cadaadiyo dowladda Itoobiya” ayuu yiri.

 

Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga milateri ee Eritareya ay qaybta ka tahay laga yaabo inuu ka caraysiiyo Jabuuti oo weli xurguf xagga xuduudda ah ay kala dhaxayso Eritareeya.

 

Masar oo muddo dheer Itoobiya ku khilaafsaneyd dhismaha biyo xireenka wabiga Niil ayaa heshiis iskaashi militeri la sameysatay Soomaaliya kaas oo Itoobiya ay khatar aragto, saamaynna ku yeelan kara xasiloonida gobolka.

 

Xiisadda waxay sii korortay markii Masar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixdeen heshiis iskaashi milateri, iyadoo Masarna Muqdisho keentay labo diyaaradood oo siday saraakiil iyo sahay ciidan, waxaana Masar ay isku diyaarinaysaa inay ciidamadeeda geyso Soomaaliya, marka uu bilowdo hawlgalka Midowga Afrika ee xigi doona kan haatan gabanbada ah ee ATMIS.

 

Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya waxay sheegtay in aysan iska daawaneyn tallaabooyin ay ku sheegtay in "xasilooni darro looga abuurayo geeska Afrika".

 

Itoobiya waxay ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay la shaqeyneyso quwado shisheeye oo doonaya in ay qalqal geliyaan gobolka.

May be an image of 4 people and dais

 

Itoobiya waxay sidoo kale aad uga soo horjeesatay talaabada ay qaaday Masar iyada oo ku tilmaantay mid faro galin ku ah xaalka amni ee gobolka, balse dawladda Soomaaliya ayaa iyana muujisay sida ay uga soo horjeedo warka ay soo saartay Itoobiya.

 

Toddobaadyo ka hor madaxa sirdoonka Masar iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa joogay Asmara.

 

Madaxa sirdoonka guud ee Masar Cabaas Kamel iyo wasiirka arrimaha dibadda, Badr Abdellati waxay madaxweynaha Ertria u gudbiyeen fariin ku saabsan xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee gobolka.

 

Madaxda sare ee Masar waxay muujiyeen taageerada ay u hayaan Soomaaliya markii ay la kulmeen madaxweyne Isaias.

 

Falanqeeyeyaasha ayaa u arka culays xiisadda uga sii daraya is xulafaysi kasta oo dhex mara seddexda dal, waxaana aad isha loogu hayaa natiijada ka soo bixi doonta kulanka Asmara oo markii ugu horraysay uu ka qayb galayo madaxweynaha Masar oo socdaalkiisi ugu horreeyey ku tegey Eritareeya, wuxuu saamayn ku yeelan karaa gobolka geeska Afrika, ayadoo xaaladda badda casna aysan deganayn.

Isha/BBC/somali

     
Loading...