Qiso cusub: Qalbigii mugdiga ahaa ' Nal baa u ifay.

Friday July 04, 2025 - 10:31:33
hadhwanaagnews
Qeybtii 1aad
May be an image of 9 people



Qisadan gabadha ay ku dhacday magaceeda waxey noogu sheegtay maryamo family ahaan waxey ka soo dhalatay qoys dabaqada hoose ku noolaa waxey ka koobnaayeen aabe, hooyo, 3 wiil, iyo 2 gabdhood oo ay maryamo ku jirtay noloshoodana wey qurux badneyd hooyadeed waxey aheyd kawaanley hilib iibisa

Gabadha maryamo waxey dhiganeysay school dugsi sare gaar ahaana form one inta badana hooyadeed ayay suuqa kawaanka maalintii ka caawin jirtay halka subixii schoolka aadi jirtay mid kale waxbarashada imtixaan walpa waxey ka gali jirtay kaalinta koobaad waxeyna aheyd gabadh af gaaban oo xishood badan

Mida kale maryamo waxey aheyd gabadh qurux illaahey siiyay dhalinyarada wiilasha gabadhas maryamo la dhaho nin walpoo rag quruxdeeda wey soo jiidan jirtayy xitaa ragg maal qabeeno hanti haystoo taajiriin ah xitaa qaar xaasas leh ayaaba gabadhan ka hari waayay marwalpa ay la kulmaan iney la sheekeystaan jeclaayeen

Xitaa marar badan bey ragg ka kor hadleyn oo waxey dhaheen quruxdeeda baa na soo jiidatay waanba ka hari weynay mid walpana wuxuuba leeyahay inaan guursado ayaan rabaa qur'aan baa waqtiyo badan la saaray markii dambe wey ka baxeen blse raga ka kor hadlayay taajiriin iyo faqiiro labadaba wey isugu jireen

Maryamo hooyadeed markii dambe suuqa uma diri jirin dhibaatadaas ayay u diideysay oo xitaa schoolka iney ka reebto ayay rabtay lkn odayga maryamo dhalay ayaa ku yiri xaajiyo schoolka waxba haka reebin iska daa qur'aan saareynaa wadaada ayaan u keenayaa sidaas ayaa loogu keeni jiray wadaada qur'aanka saara

Maalin baa waxaa dhacday wiil xaafada wada daganaayeen ayaa maryamo jeclaaday wuxuu in badan fursad ku raadiyaba maalintii dambe buu ku helay iyadoo suuqa kawaanka kaligeed joogta cid kalana aysan la joogin wuu u yimid wuxuuna si aan cabsi laheyn oo geesinimo leh ugu sheegtay dareenkiisii jaceylka

Blse maryamo wey ka diiday waxey ku tiri aniga waa la i qabaa sidaa darteed kuma jeclaan karo wiilkii wuu ogaa in aan la qabin wuxuuna ku yiri waxaan ogahay inaan lagu qabin blse sababta adigoonan nin laheyn isaga dhigeyso inaad nin leedahay ma beenta baad xalaashaneysaa wllo sow ma ogid iney beentu xaaraam tahay

Maryamo waxey ku tiri waan ogahay in beenta xaaraam tahay inaan ku jeclaado blse waxaaba ka horeyso maxaad haysataa oo lagugu jeclaan karaa bal ii sheeg adigoo wax been ii sheegeyn wiilkii wuxuu ku yiri marka hore inaan iska kaa baro ayaan jecleystay aniga magaceygana waa qadar hooyadey anoo yar ayay dhimatay????

Waxaa ii nool aabahey oo xaas kale guursaday ilma kale dhalay eedadey ayaana i soo korisay lkn ilmaheeda ayay iga jecleyd ilaa iyo maanta wey iga jeceshahay marwalpa aan arko caruur hooyadooda la jooga ama la socda waan iska ilmeeyaa???? sababta aan adiga kugu jeclaaday ayaana aheyd inaad hooyadey u qaab egtahay

Maryamo markay hadalada qadar dhageysatay wey calool xumaatay weyna ka naxday waxey ku tiri hadey sidaa tahay maanta kadib anigaa garabkaaga joogayo cidlana ma dareemeysid waxeyna u qortay numberkeedii iyadoo ku tiri marwalpa oo adiga eedadaada buuq kugu soo furto numberkeyga waa midkan iga soo garaac wllo

La soco qeybtii 2aad Haduu Alle Idmo

Aqriste qisdaan haddi ay ku dhaafto ama la socon weyso waxaad oagaataa wax badan oo noloshaaada muhiim u ahaa barato ku dhaafi doona marka muhiim kuu tahee la soco.

Waxaa Qoray Boqorka Xaliyaha Jaceylka.


 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...