Maxay Yihiin Qodobada Golaha Wasiirada Somaliland Hada Soo Saareen?

Friday August 30, 2024 - 07:11:36
Hadhwanaag
"Xukuumadda Somaliland waxay wacad ku maraysaa in cid kasta oo gobolka Sanaag …"

 




1. Sidii Golaha Wasiirradu ay kal-fadhigii hore ee 130-aad ugu go’aamiyeen difaaca dalka iyo doorashoyinku, goluhu wuxuu mar labaad cadaynayaa inay ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka iyo difaaca dalku.


2. Gobolka Sanaag oo ah gobol ku naaloonayey muddo dheer nabadgelyo iyo xasillooni waxa shaqaaqo ka bilaabay koonfurta Ceerigaabo kooxo abaabulan oo ay dabada ka wadaan maamulka Muqdisho, ujeedaduna tahay in lagu carqaladeeyo habsami u socodka hanaanka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka dhawaan ka dhici doona dalka Jamhuuriyadda Somaliland.


3. Xukuumadda Somaliland waxay wacad ku maraysaa in cid kasta oo gobolka Sanaag xasiloonidiisa iyo nabadgelyadiisa khal-khal gelinaysa ay ka difaaci doonto iyadoo kaashanaysa shacbigeeda.


4. Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa beelaha wada dega Gobolka Sanaag inay ka feejignaadaan cidkasta oo cadaw ku ah wada jirkooda iyo nabadgelyadooda, isla markaana ay nabad ku wada noolaadaan kuwa colaadaha u soo rarayana ilgaara kuwada eegaan.


5. Iyadoo laga duulayo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, golaha xukuumaddu waxa uu go’aamiyey in xisbiyada qaranka iyo ururadu ay kulan isugu yimaadaan si ay uga wada tashadaan difaaca dalka iyo doorashooyinka foodda inagu soo haya, kulankaas oo uu marti-gelin doono gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna wasiirka arrimaha Gudaha.


6. Golaha wasiirradu waxa uu si adag uga digayaa xoogaga shisheeye ee meelaha fog-fog lagaga soo daabulayo gobolka geeska Afrika oo ay ka mid yihiin ciidamada Masaaridu ku soo daabulayso Muqdisho kuwaas oo maanta ay uga baahi badan yihiin inay u gurmadaan walaalahooda Qasa ee deriska la ah ee la daranyeysan baahida, darxumada, colaadaha iyo macaluusha. Taasi waxay cadaynaysaa inay ciidamada Masar u socdaan dano iyaga u gaar ah ee aanay u socon dano Soomaaliya ay leedahay, imaatinkooduna uu dab iyo colaado hor leh uu ka hurin doono Gobolka geeska Afrka.


7. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu la socodsiinayaa Beesha Caalamka inaanay dheg jalaq u siin baaqyada iyo qoraalada ay baahinayaan maamulka Muqdisho ee ay ku carqaladaynayaan nabadgelyada iyo ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland khuseeyana Dawladeeda oo qudha lagala xidhiidho. Madaama Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Muqdisho ka dhisan aanu jirin, jiridoonina wax dawladnimo ah iyo wax maamul ah oo ka dhexeeyey.


Ugu danbayn, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Somaliland gudo iyo dibedba in ay u midoobaan ilaalinta Qarannimada, difaaca Dalka iyo cidkasta oo u hanqaltaagaysa inay dhibaatayso wada-jirka ummadda iyo horumarka dalka.


ALLAA MAHA DLEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.


 

     
Loading...