Sunooyin aad u yar-yar eyna aad u fududahay in la sameeyo balse uu ajarkeedu aad u weynayahay:

Saturday August 24, 2024 - 08:51:33
hadhwanaagnews
3. Ducada aad u duceyso dadka mu'miiniinta ah.


1. Faafinta salaanta muslimka dhexdooda.

In aad salaanto qof weliba oo muslim ah kaas oo aad taqaan iyo mid aadan aqoon u lahayn labadaba wexey kamid tahay sunadda, nabiguna scw wuu ina amray, salaantuna wexey muslimka dhexdooda dhigtaa jacayl, wexeyna midaysaa quluubtooda sidoo kalena wexey adkaysaa xiriirkooda.


2. Dhoola cadaynt.

In aad u dhoola cadeyso walaalkaaga muslimka ah mar weliba waa sadaqo sida uu nabigu scw inoo sheegay.


3. Ducada aad u duceyso dadka mu'miiniinta ah.

Ducada aad u duceyso walaalahaga mu'miniinta ah waxaa lagaaga qoraa midkasta oo kamida iyaga ajar, ball suurayso intee mu'min baa aduunka ku nool inteese ajar ayaa lagaaga qorin?


4. Wadada/Jidka oo dhibka laga leexiyo.

Adigoo maraya jidka haddii aad ku aragtoh wax dhibaya dadka kale ka qaad, maxaa yeelay iyadoo aad ka qaado wax dadka dhibaya wadada waa sadaqo iyaduna ajar ayaana lagaaga qorin.

Bahja Omar Ahmed-Bahuuja

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...