Shacabka Ceerigaabo oo si Wayn u soo Dhaweeyey Weftiga Madaxweynaha

Thursday August 22, 2024 - 08:31:16
Hadhwanaag
Duqa degmada Ceerigaabo, guddoomiyaha gobolka Sanaag


May be an image of one or more people and crowd

Bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa si ballaadhan u soo dhaweysay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo kusoo gaadhay.

 

Shacabka reer Ceerigaabo oo ay hormuud u yihiin hoggaanka dhaqanka, madaxda gobolka iyo kuwa degmada, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca Koonfureed ee magaalada, iyaga oo safaf dhaadheer taagan madaxweynaha u gelbiyey goob fagaare ah oo bulshada lagala hadlay.

 

Madaxweynaha qaranka, ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii dhaqanka iyo qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweyntiisa waddada u taagnaa, waxana uu la lugeeyey masaafo dheer.

 

Duqa degmada Ceerigaabo, guddoomiyaha gobolka Sanaag, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda dhaqanka iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay si isku mid ah u sheegeen inay shacab ahaan si weyn u taageersan yihiin madaxweynaha qaranka iyo siyaasaddiisa, maalmaha doorashadana codkooda oo badhax-tiran siin doonaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa goobta ka jeediyey, ayaa shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceerigaabo uga mahad celiyey sida meeqaamka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu sharraxay muhiimadda gobolka Sanaag qaranka u leeyahay iyo sida ka xukuumad ahaan ay xilka isaga saareen in waxqabad buuxa laga hirgeliyo gobolka.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka reer Ceerigaabo u sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyinku, si loo ilaaliyo midnimada ummadda, qaranka difaaciisu tahay waajib cid kasta saaran.

     
Loading...