Saaxiibbada wanagsan badana waxa loo kala saara saddex noo oo muhiim ah;

Thursday August 22, 2024 - 12:01:25
Hadhwanaagtv
.saxiib Daacad ah "the honest Friend": saxiibkani waa qof mar walba..



1.saxiib daryeel badan"the caring freind": saxiibkani waa qof war walba diyaar u ah in uu ku garab istaago oo uu ku tageero marka aad u baahantahay. Wuxuu daryeelaya dareenkaaga, wuxu isku dayaya in uu ku siiyo wax walba uu awoodo markuu dareemo inaad ku jirtid xalad adag. Saxiibkan wuxu kasbada badana kalsooni iyo naxariis, waxuuna leeyahay awood uu kugu dareensiin karo inaad tahay qof wanagsan oo adag.


2.saxiib Daacad ah "the honest Friend": saxiibkani waa qof mar walba kuu sheega runta si kasta ay u kharaadhahay ama ay u adagtahay. Wuxuu kugu bogaadinaya inaad noqotid qof wanagsan oo wax walba mudan. Wuxuu kuu muujinaya fikradihiisa iyo aragtiyihiisa isagoon ka labalabaynaynin. Daacadnimadiisa wuxay kuu horseedi karta iska ilaalinta khaladadka qaybtood ama waxaad ka helaysa jawaab-celin ugu wanagsan eed u baahantahay wakhtiyada qaybtood.


3.saxiib dhiirigaliye kuu ah" the Encrouraging Friend":saxiibkani waa qof badana wuxuu kugu dhiirigaliya inaad gaarto yoolalkaaga shaqsiyadeed si aad u guulaysatid. Waxaad ka helaysa tagaaro iyo garab istaag marka aad tijaabinaysid arin cusub ama caqabado kale,waxay kaa caawin karaan inaad ku kalsoonaatid kartidada wax qabad iyo awoodada shakhsiyeed,waxay mar walba kugu bogaadinayan inaad horumariso naftaada iyo noloshayba.

Saxiibkaagu waa nooce?

SALAAM

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...