Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Qabtay Rag Badda Xadaayey

Thursday August 22, 2024 - 08:16:40
hadhwanaagtv
Ciidanku waxa uu ku guulaystay doontaasi buunka...


Hawlgal qaatay lab iyo toban saac ayey ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ee saldhiga Saylac ku soo qabteen kalluumaysto sharci darro ku soo gashay xeebaha dalka.


 

Sarkaal u hadlay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland gaar ahaan saldhiga labaad ee Saylac ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo qabashada saddex iyo toban kalluumaysato ah oo ka soo jeeda dalka Yeman, kuwaasi oo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay biyaha Somaliland.


 

Sarkaalkan ayaa sheegay inay kalluumaysatadani wateen doon wayn oo buun ah iyo laba jilbadood oo ay wadatay, waxaanu xusay inay si sharciga baal marsan ay u guranayeen kalluunka ku nool badda Somaliland, isla markaasina ay doonka ka buuxiyeen Kalluunka noocyadiisa kala duwan, waxaanu cadeeyay inay horgaynayaan sharciga si loo mariyo ciqaabta ay mutaysteen waxaanu yidhi


 

"Mahada waxa iska leh ciidanka saldhiga labaad ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, ciidanku waxa uu galay hawlgal uu ka sameeyay badda, waxa nagu amray taliyaha ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, hawlgalkaasi waxa uu qaatay laba iyo toban saac, anaga oo xog ka helnay badda gudaheeda, hawlgakaasi waxaanu ku soo qabanay doon buun ah iyo laba jalbadood oo ay wadato waxa ay xadayeen badda, waxaanay ka yimaadeen Yeman mudaba waanu daba soconay.


 

Ciidanku waxa uu ku guulaystay doontaasi buunka ah iyo laba jilbadood oo ay wadatay, dadka saarnaana waa sadex iyo toban, hawlgal kadib, roobab kadib, dabaylo kadib ciidanku waxa uu keenay saldhiga labaad ee Saylac, waxaana la horgayn doonaa sharciga marka ay baadhistu noo dhamaato.


 

Hadda waxa aanu ku haynaa saldhiga doontaasi waxa ay sidaa Kalluun fara badan kaasi oo Libaax u badan, Deerag u badan kalluunka noocyadiisa kala duwan ayay siddaa, waa doon badda xadaysay, annaga oo fulinayna amarka taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha waxa aanu joogtaynaynaa hawlgalada badda


     
Loading...