Taliska Guud ee Ciidanka Booliska JSL oo boggaadiyay 20 xubnood oo ka tirsan Ciidankooda

Thursday October 10, 2024 - 16:25:13
hadhwanaag
Taliska guud ayaa sannad kasta Ciidamada Booliska ka taageera



Taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland, ayaa boggaadiyay 20 xubnood oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, kuwaas oo ka qalin-jabiyay Jaamacadaha Alpha, Admas iyo New Generation.

 

Sidoo kale warka ka soo baxay taliska ciidanka booliska ayaa lagu sheegay in taliska guud ee ciidanka boolisku uu ka taageero ciidamada horumarinta adeegbixinta waxbarashada, isla markaana uu xooga saaro sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan ah.

 

Warka ka soo baxay taliska guud ee ciidanka booliska S/land, ayaa u dhignaa sidan:

 

Taliska guud ee Ciidamada Booliska S/land waxa uu hambalyo u dirayaa 20 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo ka qalinjabiyay jaamacadaha Alpha, Admas iyo New Generation.

 

Taliska guud ayaasannad kasta Ciidamada Booliska ka taageera dhinaca tacliinta, si ay u helaan waxbarasho tayo leh, taasoo ka caawinaysa in ay horumariyaan xirfadahooda iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.

 

Tani waxay qayb ka tahay istaraatijiyadda taliska ee kor u qaadista tayada ciidanka si ay u noqdaan kuwo ka jawaaba baahiyaha bulshada iyo ilaalinta amniga.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), waxa uu mahadnaq ballaadhan u jeedinayaa jaamacadaha dalka oo ciidamada si fiican ula shaqeeya, sidoo kale wuxuu ku dardaaraya Ciidamadan Qalin-jabiyay in aqoontan ay barteen ku anfacaan dalkooda iyo Ciidankoodaba, kuna dabaqaan shaqada adag ee Boolisku Qaranka u hayo.

     
Loading...