DEG DEG Muuse Biixi oo kulan la qaatay Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sunday September 22, 2024 - 08:10:19
hadhwanaagtv
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda...
 
May be an image of 9 people, newsroom, dais and text

Muuse Biixi  ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka booqasho ku yimi.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Kulankan waxa Muuse Biixi ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire.
     
Loading...