DEG DEG Dab xoogan oo ka kacay suuqa Jowhar

Sunday August 11, 2024 - 10:54:04
hadhwanaagnews
Dad badan oo shacab ah ayaa suuqa gaaray, waxaana soconayo....


May be an image of 4 people and fire

Warar kala ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo goordhow ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo haatan lala tacaalayo damintiisa.


 

Dabka ayaa lasoo warrinayaa inuu kusii fidayo goobo horleh, waxaana aad u yar gurmadka ay heli karaan ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi.


 

Sidoo kale uuro iyo olol ayaa cirka isku shareeray, taas oo laga dheehan karo baaxadda uu gaarsiisan yaay dabka oo loo badinayo inuu ka dhashay koronto.


 

Dad badan oo shacab ah ayaa suuqa gaaray, waxaana soconayo dadaallo ay wadaan dadka deegaanka iyo maamulka degmada oo lagu daminayo dabka ka kacay Jowhar.


 

Mid kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in bubur xoogan uu soo gaaray goobahooda ganacsi, welina uu sii fidayo dabka.


 

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sugayo amniga suuqa.

May be an image of fire
May be an image of fire
May be an image of fire
     
Loading...